Xiiqdu waa xanuun ku dhaca hawo mareenka waana marka hawo markeenka jidhku cidhiidhi noqdo, bararo soo saarana xab dheeraad ah taas oo qofka ku sababta in neefsashadu ku adkaato, qufac iyo sidoo kale foori hawo mareenku sameeyo.
Xanuunka xiiqda dadka qaar waxa laga yaabaa inuu noqdo mid iska sahlan qaarna wuxu ku noqon karaa mid dhibaato badan kaas oo saameeya shaqadooda iyo noloshoodaba.
Hadaba xanuunka xiiqda lama daawayn karo lkn calaamadihiisa iyo waxyeeladiisaba waa maarayn karaa yadoo la raacayo talooyinka iyo talaabiyonka iyo hab nololeedka lagaga hortago xanuunka xiiqda.
Maxaa sababa xanuunka xiiqda ( asthma )
Ma cadda sababta dadka qaarkiis u qaadaan xanuunka xiiqda ama neefta dadka qaarna aanay u qaadin lkn waxay u badan tahay inay sababaan arimo deegaan iyo kuwo layska dhaxlo ( genitics ) dadkuna way ku kala duwan yihiin.
Waxana ka mida waxyaabaha sababa :
- Xasaasiyada hawada ka dhalata sida dhaska, caaryada xadhkaha, iyo qashinka qaar ka mida
- Xanuunada ku dhaca hawo mareenka sid hargabka
- Dhaq-dhaqaaqa jidhka
- Hawada qaboow
- Wasakhowga hawada iyo waxyaabaha waxyeela hawo mareenka
- Daawooyinka qaar ay ka mid yihiin beta-blockers sida aspirin, iyo dawooyinka nonsteroidal
- Welwelka iyo isku buuqa badan
- Xanuunka loo yaqaan Gastroesophageal reflux disease (GERD)
- Inuu qofka qoskiisu ka dhaxlo xanuunka xiiqda sida waalidkii ama walaalihii
- Inuu qofku leeyahay xanuunada kale xasaasiyada sida atopic dermatitis kaas oo sabana , maqaarku inuu cuncuno, casaado, iyo cuncunkaa indhaha
- Qofka miisaankiisa oo sareeya
- Cabida sigaarka
- Qiiqa kiimikooyinka sida kuwa beeraha iyo timaha ku la marshado ,daska iyo qashinka oo dhan.
- Xaalado ka hor-istaagaya shaqada , hurdada iyo dhaq-dhaqaayada kale oo dhan
- Inay si joogto ah dhuubtaan tuubooyinka hawo-marenka iyo sambabadu
- In qofka marwalba la dhibo cusbitaalda xaalada neefqabashada darteed
- Dhibaatooyin qofku ka dhaxlo qaadashada mudada dheer ee loo istic maaqo xiiqda
- Qalabka neefsashada kuwaas oo ogolaanaya inaad neefsato
- Daawada ayaa ah habka ugu wayn ee loo xakamee lagu xakameeyo hadii xaaladu darantahay
- Inuu qofku si wacan u raaco tallaabooyinka qorshe ee lagaga hor tago xanuunka xiiqda
- In qofku qaato talaalka hargabka iyo oofta
- In qofku ogaado waxyaabaha ku kiciya xiiqda kana fogaado
- In qofku markasta cabirka neefsashiida ogaado
- In qofku qaado dawooyinka dawooyinka xiiqda marka uu dareemo neefqabad si degdeg ah
- In qofku dhakhtarka ugu xidhiidho ded deg ah markuu dareemo xanuun