Cabida sigaarku waxay keentaa cuduro, naafanimo, wuxuna dhaawacaa xubin kasta oo jidhka ka mida .
Xiligan la joogo dad badan oo dadyowga caalamka ah ayaa la nool xaalado caafimaad daro oo ay sababtay cabida sigaarku qaar kaloo badana way u dhintaan maalin kasta.
Sigaar wuxu sababaa dhibaatooyin caafimaad oo waawayn waxana ka mida , wadne xanuun kanserka ku dhaca dhamaan , jidhka , wadne istaag , istaroog iwm.”
Hadaba cabida sigaarku waxay dhaawici kartaa xubnaha jidhkaaga waxayna si xun u saamayn kartaa caafimaadkaaga guud.
Cabida sigaarku sidoo kale waxay kordhin kartaa bararka jidhkaaga oo dhan taas oo si xun i saamayn karta difaaca jidhka iyo inaad u nuglaato igfashinka.
Farqiga u dhexeeya qofka sigaarka aan cabin iyo ka caba sawirka ayaa muujinay☝️
Cabida sigaarka iyo kansarka ( cancer )
Cabida sigaarku waa mid ka mida waxyaabaha igu badan ee qofka ku sababi kara kansarka jidhka waxana ka mida kansarada uu kugu sababi karo.
- Kansarka kaadi haysta
- Kansarka dhiiga ( acute myeloid leukemia)
- Kansarka ku dhaca cervical-ka
- Kansarka hunguriga cad iyo hunguriga cas
- Kansarka kelyaha iyo ka ilmo galeenka
- Kansarka beerka iyo ganaca
- Kansarka dhuunta, carabka dhabxanaga iyo qanjaha
- Sidoo kansarada ku dhaca meel kasta oo sambabka ka mida
- Niyad , welwel iyo walaac
- Deganaanshiiyo la,aan
- Madax xanuun iyo dhibaatooyin dha hurdada ah
- Gloucama: waa xunuun indhaha ku dhacaa kaas dhaawa araga indha iyo neerfaha indhaha
- Cataracts: waa xanuun indhaha ku dhaca kaas oo qof ku baahanayo araga daruuriga ah sida muraayadaha
- Age-related muscular degeneration taas oo in araga ratiinuhu lumo (central vision loss)
- Wuxu dhaawacaa sambabka iyo xuubabka sambabka kuwaas oo aan dib u soo laaban
- Wuxu sababaa caabuqyada ( infections ) ku dhaca sambabada sida TB , oofta iyo qufac dherer.
- Wuxu sababaa kansarka sambabada
- Wuxu sababaa xanuunada waqtiga dheer ee sambabada sida xiiqda , emphysema, iyo brochitis oo ah xanuuno ku dhaca sambabka
- Chronic obstructive pulmonary disease (copd): wadar xanuuno ah oo sambabka ku dhaca
- Qufac iyo hindhiso
- TB iyo xiiq
- Oof iyo shaqada sambabka oo yaraata
- Bronchitis iyo emphysema oo ah xanuuno ku dhaca sambabada
- Sambabada oo koriwaaya Iwm.
- Ilamaha oo xili hore dhasha dhicis
- Miisaanka ilmaha oo hooseeya
- Xanuunka dhimashada degdega xilliga dhalmada
- Ilamaha oo ku abuurma makaanka debediisa ectopic pregnancy
- Afka iyo dibnaha dildilaaca ilmaha
- Wadne xanuun
- Wadne istaag
- Istoroog
- Xanuunada halbowlayaasha iyo xidida dhiiga
- Dhaawaca maqaarka ee deg-dega ah la xidhiidha gabowga
- Wuxu badiyaa laalaayada maqaarka
- Nabarada maqaarka oo aan hore u buskan
- Wuxu sare u qaadaa caabuqyada maqaarka ( skin infections )
- Wuxu sababaa kansarka maqaarka
- Vasoconstriction :waa xanuun dadka timuhubka daataan
- Wuxu saameeyaa hoormoonada iyo DNA da kuwaas timaha xidhiidh wayn la leh
- Wuxu sare qaadaa khatarka xanuunada dheefshiidka
- Wuxu kanser ku sababaa dhamaan xubnaha dheefshiidka sida afka, carab, hunguriga, ganaca, beerka, mindhicirada, iyo malawadka
- Waxa uu sare u qaadaa lafa xanuunka
- Waxa uu yareeyaa buskashada lafaha
- Wuxu sare u qaadaa jajabka lafaha
- Wuxu yareeyaa miisaanka lafaha