Prediabetes: waa nooc ka mida macaanka ka mid kaas oo heerka sonkorta jidhku ka sareeyo sida caadiga ah mana aha mid aad u sareeya oo loo tixgeliyo macaanka nooca 2aad mana sababo wax isbedel nololeed ah hada dadka waawayn iyo caruurta qaba xanuunka macaanka prediabetes ka waxay khatar ugu jiraan xanuunka macaanka nooca loo yaqaan type 2
Habada hadii aad qabtid xanuunka macaan prediabetes waxad qatar ugu jirtaa dhaawacyada waqtiga dheer ee wadnaha, xidada dhiiga , iyo kelyaha.
Qofka qaba xanuunka macaanka pre-diabetes hadii cuno cunto caafimaadle , jimicsina sameeyo miisaankanaa iska yareeyo waxa ay sonkorta jidhku ku soo noqonaysaa sidii caadiga ahayd
Astaamaha xanuunka pre-diabetes
Xanaanka macaanka pre-diabetes ku badanaa ma muujiyo wax calaamado ah waxa uu qofka jidhka meelo ka mida kaga sameeyaa haaro madow badanaana gacmaha, suxulada hadii hadii aan la degin waxa qofku yeeshaa calaamadahan.
- Haraad badan iyo kaadi badan
- Daal iyo araga oo humaag ka galo
- Gaajo badan
- Kabuubyo lugaha iyo gacmaha
- Nabarada oo buskan waaya iyo caabuq
- Miiska oo hoos u dhaca
- Da’da qofka
- Cuntada qofku cuno iyo qaabka uu u noolyahay
- Jimicsi la’aanta jidhka
- Qoyskaaga qaar ka mida oo lahaa
- Miisaanka qofka badan
- Xanuunka macaan loo yaqaan gestational diabetes
- Hurdada la,aanta iyo isticmaalka tubaacada
- Cadaadiska dhiiga oo sare u kaca
- Cholestrolka oo sare u kaca
- Kelyo xanuun
- Istoroog iyo nerfayaasha oo dhaawacma
- Dhibaatooyinka indhaha
- Xunaha jidhka oo qaar la jaro qofa sida lugaha faraha iwm.
- Beer subag
- Cunista cunto caafimaadle
- Jimicsiga jidhka
- Miiska oo layska rido
- Tubaakada iyo alcoholka oo aan la isticmaalin
- Cadaadiska dhiiga oo la degiyo
- Cholestrol-ka jidhka laga hortago