Macaanka uurku “gestational diabetes” waa nooc macaanka ka mida oo hooyooyinka uurka leh ku dhaca xiliga uurka kawaas oon lahayn macaanka markooda hore markaas oo glucose ta jidhku aad u sarayso xadiga insulin jidhku soo saarayaana ay ka yartay sidii caadiga ahayn taas oo ay sabab u yihiin isbedelka dheecaanad jidhka .
Kaas oo saameeya sida macaanka kale sida unugyada dhiigu u isticmaalaan sonkorta .
Wuxuna dhici karaa xarxalda (stage) kasta oo xiliga uurka ah.
Calaamadaha macaanka uurka
Macaanka xiliga uurku inta badan ma muujiyo wax calaamado ah lkn marka sonkorta jidhku aad u saray waxa soo if baxa calaamadahan.
- Haraad badan iyo afka oo qalala
- Daal badan iyo aragtida oo diciifta
- Cuncun xubinta taranka ama cabeeb
- Kaadi badan
Khataraha kugu sababi kara macaanka xiliga uurka
Macaanka xiliga uurka waxa badanaa sababa is bedelka dheecaananada jidhka oo isbedelku yimaado iyo waxyaabo kale oo is biirsaday.
- Miisaanka oo sareeya
- Jidhka oo jimicsi ahaan dayaarsanayn
- Hooyada oo leh prediabetes
- Hooyada oo lahaan jirtay macaanka uurka xiliyada uurarkii hore
- Hadii hooyada qoyskeeda qaar leeyihiin macaan
- Hadii hooyadu hore u dhashay ilme miiskiisu waynyahay
- Sidoo da’da hooyada
Khataraha caafimaad ee uu sababi karo macaanka uurku.
Hadaan laga hortegin macaanka uurku hooyada wuxu ku sababi karaa khataro caafimaad oo badan oo ay ka mid yihiin.
Ilamaha yar
- Ilmaha yar oo miisaankiisu waynaado kadibna dhalmadu hooyad ku adkaato
- Ilamaha oo xili hore dhasha ama dhicis
- Ilamaha yar oo neefsashudu ku adkaato xiliga hore uu dhashay darteed
- Ilamaha yar oo dhinta marka uu dhasho dhibaatiyo dhalmada darteed
- Ilmaha yar oo qaada xanuunka macaam type 2
- Ilamaha yar oo sonkortiisu hoosayso markuu dhasho taas oo ku sababaysa xaalado khatara
Hooyada
- In hooyadu qaado xanuunka macaanka xiliga dheer
- In hooyada dhalmadu ku adkaato lagun sameey qaliin
- Cadaadiska dhiiga oo sare u kacda (preeclamsia) taas hooyada ku sababta xaalado caafimad oo khatar
Sida looga hortago xanuunka macaanka uurka
- In ay cunto hooyadu cunto dheeli tiran sida fiber, protein, colories and khudrad
- In hooyado jimicsi samayso
- In hooyadu miisaanka badan iska dhinto
- In hooyadu la socoto xaaladeeda caafimaad
FG: hadaba khatara caafimaad ee xanuunka macaanka xiliga uurku waa kuwo aan la soo koobi karin oo aad u badan ee hooyo ka digtoonoow waxkasta oo kugu sababi kara lana soco xarunta caafimaad ee kugu dhow si aad ula socoto xaaladada caafimaad iyo ta ilmahaaaga.”