Xanuunka macaanku “diabetes “ waa xanuun ka mida xanuunada loo yaqaan chronic diseases ama mudada dheer qofka haya kaas oo saameeya sida jidhku cuntada ugu bedelo tamarta.
Jidhka qofku waxa uu cuntada aan cuno u bedelaa sonkor (glucose ) waxana uu ku sii daayaa wareega dhiiga hadaba marka sonkorta dhiigu sare u kacdo ganaceenu waxa uu soo daayaa dheecaan (hormone ) loo yaqaan insulin waxay shaqaadeedu tahay in sonkorta ku jirta dhiiga ay u bedesho tamar gaadhsiina unugyada (body cells ) .
Hadaba xanuunka macaanka jidhka qofku ma soo daayo insulin ku filan ama uma isticmaali karo sidii caadiga ahayd , marka aanay jirin insulin ku filan ama unuguadu ay joojiyaan ka jawaabista insulinta sonkor badan ayaa dhiiga ku ururaysa xalaadaasina waxay sababtaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah sida wanaha oo qofka xanuuna , aragtida oo lunta , kelyo xanuun iwm.
Hada weli ma jirto loo helay xanuunka macaanka lkn miisaaka oo la yareeyo, cunista cunto caafimaadle , iyo firfircoonada jidhka ayaa kaa yarayn karta khatartiisa.
Noocyada macaanka
- Type 1 diabetes
- Type 2 diabetes
- Gestational diabetes
Noocan macaanka ah waxa lagu arkaa dumarka xiliga ay uurka leeyihiin kuwaas oo aan qabin weligood macaanka wuuna ka tagaa ka dhib marka ilmuhu dhasho.
Hadaba hadii aad qabto macaanka uurka ilmahaagu wuxu khatar ugu jiraa dhibaatooyin caafimaad .
Hadii aad leedahay macaanka uurka adiga iyo ilmahaagu ba waxa khatar u jirtaan inuu idinka dhaco xunuinka macaanka nooca labaad .
- Prediabetes
FG:/ waxa jira noocyo kala macaana lkn kuwani waa kuwa ugu caansan.
Calaamada xanuunka macaanka
- Qofka oo aad u haraada iyo kaadi badan
- Gaajo badan iyo daal
- Aragtida oo humaag galo
- Nabarada oo aan buskan
- Miisaanka qofka oo degdeg u dhaca
- Kabuubyo iyo jidhiidhico cagaha iyo gacmaha ah
- A1c test: waa mashiinka yar ee lagu ogaado sokorta jidhka si loola socdo
- Caadiska dhiiga (blood pressure) oo lala socdo
- Cholestrol ka ama dufan jidhka oo lala socdo
- Sigaarka oo qofka laga joojiyo
- Cunto caafimaadle oo qofku cuno
- Qofka oo jimicsi sameeya
- Daawada oo qofku si fiican u qaato
- Qofku inuu mar walba sii wado lasocodka glucose jidhka
- Hadii qoyskaaga qaar lahaayee
- Da’da hadaad ka wayn tahay 45 sano
- Hadii miisaankaagu culus yahay
- Hadii aanad jimicsi samayn
- Hadii aad leedahay qaar ka mida canuunada soo jiitama (chronic diseases)
- Qaabka aad u nooshahay ( life style)
- Dhibaatiyinka indhaha
- Wadne xanuun ama wadne istaag
- Nabarada cagaha iyo jidhka
- Dhibtooyinka ciridka iyo illaha
- Xanuunada kaaji haysta iyo kaadi mareenka
- Cancerka jidhka
- Dhibaatiyo kelyaha beerka iyo dhamaan xubnaha muhiimka ee jidhka