Kaarotaha (carrot): ama dabacasahu waa mid ka mida khudaarta sida fudud u baxda kuwa loo yaqaan root vigatables ama ciida hoosteeda ka baxa waana mid ka mida khudraha kugu fiican xaga faa’idooyinka caafimaad waana mid qalafsan oo dhadhan wacan waana ilaha ugu wanaagsan ee laga macdanahan iyo fitamiinadan:
- Beta carrotene
- Fiber
- Vitamin k1
- Potassium and anti-oxidants
Iyo cholesterol ka caafimaadka jidhkana sare ayuu u qaadaa .
Maadada laga helo kaarootaha ama dabacasaha loo yaqaan carotene waxay yaraysaa khatarta kanserka jidhka .
Habada kaarootaha waxa uu leeyahay midabyo kala duwan sida jaale, casaan, cadaan iyo madow. Kaarootaha jaalaha ah ma cawliinka waxa laga helaa maadada beta-carotene taas oo jidku ka helo vitamin A.
Hadaba maqaalkan waxad kaga bogan doontaa faa’dooyinka caafimaad ee karootaha macdaha iyo nafaqooyinkiisa iyo waxyaabaha uu jidhkubka hello.
Kaarootuhu 86% ilaa 95% wuxu ka kooban yahay biyo,10% oo carbs ah iyo wax aad u yar oo protein iyo fat ah.
Macdanaha iyo nafaqooyinka ku jira 100mg ee kaarootka ah waa:-
- Calories 41
- Water 88%
- Protein 0.9 grams
- Fat 0.2 grams
- Fiber 2.8 grams
- Carbs 9.7 grams
- Sugar 4.7 grams
Fiber: waxa kuwa loo yaqaan soluble fibers kuwaa sokorta jidhka ka yareeya sida waxay yareeyaan cholestrol waxa ka mid ah cellulose, hemicellulose, iyo lignin kuwaas oo sidoo kale ka hortaga calool istaaga.
Macdanaha iyo fiitamiina laga hello kaarootaha
Kaarootaha waxa laga helaa noocyo badan oo macdano iyo nafaqooyin ah waxana ka mida:-
- Vitamin A : kaarootaha waxa uu qani ku yahay maadada beta-carotene taas oo uu jidhku u bedesho vitamin A kaas oo sare u qaada araga indhaha, koritaanka, iyo difaaca jidhka.
- Biotin A,B: waxa kaloo loo yaqaan vitamin H kaas door muhiima ka ciyaara burburinta protein ka jidhka
- Vitamin K1 : sidoo kale waxa loo yaqaan phlloquinone taas oo muhiim u ah xinjirowga dhiiga sare u qaada caafimaadka lafaha
- Potassium: waa macdan muhiim u ah cadaadiska dhiiga
- Vitamin B6: waa fitamiino muhiin u ah in cuntada loo bedelo tamar
- Carotenoids: waa maadooyin jidhka ka ilaalisa sumowga sarena u qaada dufaaca jidhka, wadne xanuunka ka hortagta iyo kancerkaba waxan ka mid ah , beta-carotene, alpha-carotene, lutein, lycopene, polyacetylenes, and anthocyanins.”
- Kaarootuhu wuxu ka hortagaa cansarka
- Wuxu yareeyaa miisaanka
- Sidoo kale wuxu yareeyaa chelostrol-ka ama dufanka
- Wuxu sare u qaadaada caafimaadka indhaha
- Wuxu sare u qaadaa dufaaca jidhka
- Wuxu sare u qaadaa caafimaadka wadnaha
- Wuxu ka hortagaa calool istaaga ama qarasta
- Wuxu u wacan yahay lafaha