Hyperthyroidism: waa marka qanjidhka loo yaqaan thyroid gland sii daayo dheecaan xad-dhaaf ah (thyroid hormone) taas oo marka jidhka lagu soo daayo xadi ka badankii saxda ahaa waxa sare loo qaadaa dheef-shiidka taas oo jidhka ku sababta isbedel farabadan calaamado badana sababta .
Astaamaha xanuunka hyperthyroidism-ka
Xunuunka hyperthyroidismku mararka qaar waxay isu eeg yihiin xanuuno kale wayna adag tahay in si fudud lagu xaqiijiyo baadhitaankiisa wuxuna leeyahay astaamo badan oo ay ka mid tahay :
- Miisaanka qofka oo hoos u dhaca si dhakhso ah
- Garaaca wadnaha oo sare u kaca (tachycardia)
- Garaaca wadnaha oo khalkhala ( arrhythmia)
- Qofka oo aad u gaajooda marwalba
- Iku-buuq , welwel iyo deganaanshiyo la,aan
- Gariir badanaa gacmaha iyo faraha
- Dhidid fara-badan
- Dumarka caadada oo khalkhasha
- Kulyl xad dhaafa
- Qanjidka thyroid glandka oo balaadha ( goiter)
- Daal iyo awood la,aan fara-badan
- Muruqyada oo daciifa iyo maqaarka oo khafiifa
- Timaha cawlaada khafiifa
Hadaba hadii aad qaar badan oo calaamadahan ka mida isku aragto si dhakhso ah waa inaad dhakhtar ula xidhiidho.
Maxa sababa xanuunka hyperthyroidism
Hada xanuunka hyperthyoidism-ka waxa sababa xaalado fara-badan oo kala duwan kuwaas oo saameeya qanjidhka thyroid glandka loo yaqaan.
Hadaba thyroid gland-ku waa qanjidh yar oo sida duqsiga u samaysan kaas oo ku yaal xaga hoose qoorta kaas saamayn wayn ku leh jidhka dheef-shiid kasta oo jidhka ka dhaca waxa maamula dheecaanada uu soo daayo.,
Hadaba thyroid glandku wuxu soo saaraa 2 dheecaan oo jidhka muhiim u ah
Thyroxine (T-4) and tri-iodothyronine (T-3) kuwaas oo saameeya unug kasta oo jidhka ka mida isagaa ka caawaiya tamarta uu jidhku ku burburiyo baruurta iyo carbonhydrate ka sidoo kale waxay maamulaan kulka jidhka sidoo kale waxay ka caawiyaan jidhka inuu samaysto protein-ka
Hadaba hyperthyroidism-ku wuxu dhacaa marka thyroid gland-ku jidhka ku sii daayo xadi fara-badan oo dheecaana ( thyroid hormone) waxana uu sababaa xaaladahan soo socda.
- Graves disease: waa xanuun ku dhaca dufaaca jidhka ( immune system ) kaas oo sababa in unugyada dufaaca jidhku weeraraan thyroid glanka laftiisa waana waxyaabaha ku ugu caansan ee hyperthyroidismku sababo.
- Over-active thyroid nodules: sidoo kale waxa loo yaqaan bararka sumowga qanjidhka thyroidka waana marka uu bararo.
- Thyroiditis: waa marka qanjidhka thyroid glanku caabuqo
Waxyaabaha sababi kara inuu kugu dhaco hyperthyroidism-ku
- Hadii qoyskaaga qaar lahaayeen hyperthroidism ama graves diseas
- Qofku haduu qabo xanuunada jiitama ( chronic disease )
- Uurka
Khataraha uu kugu sababi karo hayperthyroidism-ku
Xanuunka hayperthyroidism-ku wuxu kugu hogaamin karaa waxyaabahan soo socd.
- Dhibaatooyinka wadaha sida garaaca wadnaha oo khalkhala iyo istoroog iyo wadne istaag.
- Lafaha oo diciifa kadibna ku burbura
- Dhibaatooyin xaga araga ah sida araga laba jibaarma, indhaha oo casaada oo caabuqa, indhagaha oo qofka soo baxa oo xanuun, qofka oo laydhka eegi kari waaya iyo iwm.
- Maqaarka oo midabku ka tago bararana
- Qofka oo ku sumooba dheecanada xad dhaafka ah waxa ka mida calaamadaha sumowga xumad, garaaca wadnaha sare u kaca, yalaalugo, hunqaaco,shuban,shuban iyo dawakhaad.
Daawaynta xanuunka hyperthyroidism
Waxa jira noocyo badan oo loo daaweey xanuunka hyperthyroidsim-ka waxna ugu muhiimsan kuwan.
- Anti-thyroid medicines and radioiodine waxa loo isticmaala si loogu degiyo dheecaanada thyroidka
- Mararka qaarna waa la qalaa hadii daawooyinka waxba ka tari waayaan."