Xanuunka dhiig-karka (hypertension) waa marka cadaadiska dhiiga wadnuhu tuurayo ee uu marinayo halbawlayaasha iyo jidhka intiisa kaleba marka uu ka sareeyo intii caadiga ahayd ee loogu tala galay.
Waa maxay Cadaadiska dhiigu (blood pressure):
waa cadaadiska awoodeed ee dhiiga uu wadnuhu ku tuuray gidaarada halbawlayaasha kuwaas oo wadnaha ka soo qaada dhiiga gaadhsiiyana dhamaan jidhka intiisa kale
Hadaba caadiska dhiigu sida caadiga sare wuu u kici karaa hoosna wuu u dhicibkaraa maalintii.
Sidee lagu cabiraa cadaadiska dhiiga (blood pressure)
Cadaadiska dhiiga waxa lagu cabiraa yadoo ka isticmaalayo 2dan nooc oo cabir ah ama tirooyin ah
systolic blood pressure: waa cadaadiska dhiiga ee maraya gidaarada halbowlayaasha marka wadnuhu dhiiga tuurayo (beats) xadiga cadaadiska ee caadiga ahina waa 120
Diastolic blood pressure: waa cadaadiska dhiiga ee maraya gidaarada halbowlayaasha marka wadnuhu degan yahay (rest) cadaadiskiisa caadiga ahina waa 80
Waxana loo qoraa sida 120 systolic iyo 80 diastolic
Qorista = 120/80mmhg.
Elivated blood pressuer: 129/80mmhg
Stage 1hypertension: 139/89mmhg.
Stage 2 hypertension: 140/90mmhg.
Hadaba waxa jira laba nooc oo dhiig-kar ah
Primery hypertension: badanaa waxa uu ku dhacaa dadka waawayn waana mid mudo soo socday mana jiraan wax gaara oo sababay.
Secandary hypertension: waa mid ka mida dhiig-karka kaas oo ay keekneen xaalado gaar ah kaas oo ka khatar badan primary hypertension kana cadaadis sareeya waxana ka mida waxyaabaha sababa.”
- Dhibaatiynka qanjidhka thayroid loo yaqaan
- Kelya xanuunka
- Isticmaalka maandooriyayaasha sida cocaïne iyo amphetamines
- Burooyinka ka soo baxa qanjidhada adrenal glands ka.
- Daawooyinka qufaca ,xanuun baabi’yaha iyo kuwa dhalmada lagaga hortago
- Dhaawacyada blood vesselska iwm.”
Hadaba heerka cadaadiska dhiigaaga hadii uu ka yaryahy inta caadiga dhiblaha waxa jira talaabiyo aad qaadi kartaa talaabooyin maalin walba si aad ugu ilaaliso dhiigaaga mid caafimaad qaba.
Sidoo kale caadiska dhiigu waxa kordhinka qaabka aad u nooshahay cuntooyinka aad cuntay hadii aad isticmaashid dawooyin iyo maandooriyaasha iyo hadii alamiito ama orod samayso markasto oo caadiska dhiigaagu sareeyo waxad khatar ugu jirtaa xanuuno badan sida wadne xanuun, (heart disease) wadne istaag (heart attack), istoroog iyo xanuuno kale .
Dhatarku kadib marka uu baadho cadaasiska dhiiga iyo calaamadaha dhiig karka isaga ayaa go,aanka gaadhi kara daawaynta iyo daryeelka bukaanka.
Khataraha kugu sababi kara dhiig-karka
Hadaba waxyaabaha sabab u noqon kara in uu kugu dhaco xanuunka dhiig karku waxa ka mid ah.”
- Hadii aad qabtid xanuunka macaanka ama sonkorta
- Cunta xumada
- Dabeecadaada iyo qaabka aad u nooshahay
- Jimicsi la’aan
- Miisaankaaga (obesity)
- Isticmaalka alcoholka iyo mukhaadaraadka kale
- Hide-raac (genetics and family history)
- Da,da iyo welwelka
- Qofka oo cuna cusbo ama milix fara-badan
- Uurka iyo xanuunada qaar (chronic diseases)
Astaamaha ama calaamadaha diig-karka
Dhiig karku mararka qaar calaamado ma muuqdaan lkn waxa lagu ogaadaa cabirka dhiiga waxana ka mida astaamihiisa:
- Araga oo qofka humaag ka galo
- Sanka dhiig ka yimaado
- Neefta oo qabata
- Laabta oo xanuunta
- Dawakhaad
- Madax xanuun
- Wadne istaag ama istaroog
- Xididada dhiiga oo dhaawac ma ama daciifa
- Wadnaha oo fadhiista ama daciifa
- Dhibaatooyinka kalyaha iyo indhaha
- Xanuunada dheefshiid (digestion syndrome)
- Isbedel ku yimaada maskaxda iyo fahanka
- Asaasaq (dementia)
- Jimicsiga iyo miisaanka oo layska rido
- Jooginta isticmaalka mukhaadaraatkaka sida sigaarka,tubaakada iyo alcoholka.
- Cunista cunto fiican oo dhamaystiran
- In aad iska yarayso cunista milixda ama cusbada badan
- Hurdo kugu filan oo aad seexato
- Welwelka oo aad iska ilaaliso
- Blood pressurka dhiigaag oo aad la socoto.”