Caymisku (insurance ) waa hab lagu maareeyo khatartaada marka aad caymis gadato waxad iibsanaysaa ka hortaga khasaarahaaga maaliyadeed ee lama filaanka ah kana iibsanaha cida markaa caymiska bixinaysa dawlad ha noqo ama shirkad adiga ama qof aad dooratay hadii ay wax ku dhacaaan.
Hadii aad shil gasho adiga oo aan wax caymis ah ku jirin Waxa laga yaabaa inaad masuul ka noqoto dhamaan khasaaraha maaliyadeed ee la xidhiidha shilkaas taasna noloshaada wax wayn ka bedesho lkn hadaad ku jirto caymis ( (insurance ) ka hortaga khataraha wax badan bay kaa caawinaysaa.
Dadka ku jira caymiska dhaqaale keliya kama caawiyo caymisku khataraha ku dhicira ee wuxu ka caawiyaa waxyaabo badan sida baadhitaankada caafiwaad ee sanadlaha ah iyo daryeelka caafimaad ee kale iyo qiimo dhimis waxyaabaha qaar markay iibsanayaan.
Hadaba caymisku waa heshiis qoraal ah oo u dhexeeya hantiilaha qofka ama shirkada caymiska gelaysa iyo cida markaas caymiska bixinaysa .
SIDA UU CAYMISKU U SHAQEEYO
Ka soo qaad adiga oo gaadhigaaga wata ayaad ku dhufatay gidaar hadii aad u ku jirto caymiska saxda caymisku waxay kaa bixinayaan ka bixinyaaan dhaqalaha ku baxaya dayactirka baabuurkaaga hadba sidii aad ku heshiiseen.
WAA SIDEE XEERRKA CAYMISKU
Xeerarka caymisku inta badan waa kuwo jira mudo cayiman waxayna ku xidhan tahay nooca caymiska iyo heshiiska dhamaadka mudadaas waxad u baahantahay inaad cusboonaysiisato ama mid cusub iibsato.
Khidmaha la bixiyo waxa ka mida habka premium qaarka mida khidmaha waxa la bixiyaa bishii sida caymiska caafimaadka qaar kalena waxa laga yaabaa in la bixiyo sanadkii hal ama laba jeer sida caymiska baabuurta ama mulkiilaha guriga qiimaha khidmadaada guud waxay ay ku xidhan tahay inta ay leegtahay caymiska khatara aad ku leedahay caymiska iyo heshiiska caymiska.
NOOCYADA UGU CAANSAN CAYMISKA (INSURANCE )
Waxa jira noocyo badan oo caymis ah sida hoos ku xusan.
- Caymiska caafimaadka: waxa uu qofka ka caawiyaa booqashada dhakhtarada daawaynta iyo baadhitaanada
- Caymiska baabuurta: waxa uu qofka caawiyaa hadii qofku shil galo hadii gaadhigiisa wax soo gaadhaan dayactirkiisa iyo sharci ahaanba
- Caymis nololeed: waa nooc caymiska ka mid ah oo qofku hadii dhinto qofkiisa laga caawinayo waxyaabaha muhiimka ah sida biilalka iyo caafimaadka oo kale
- Caymiska naafada: waxa uu ka caawiyaa shaqsiyaadka iyo qoskooda hadii timaado dhaawac ka hor istaaga shaqaysiga nolol maalmeedkooda
- Caymiska guryaha: waxa uu qofka ka caawiyaa hadii ay dhibaato ku timaado gurigiisa hadii u ka gubto hadii laga dhaco iyo waxyaabaha la mida