Waa maxay xanuunka gaasku (gastritis)
Xanuun ka gaasterigu (gastritis) waa marka ay dhaawacmaan xuubabka hoose ee caloosha ku dahaadhan ( ganka caloosha) kuwaas oo casaada barara caabuqa qofuna uu xanuun badan ka dareemo, waxan sababta asiidha (acid) caloosha lagu sii daayo oo xoqda gidaarada caloosha kuna samaysa nabaro.
Bakteeriyada sababta xanuunka gaaska (gastritis):
waxa sababta bakeriyada ku nool xuubka caloosha taas oo loo yaqaan helicobacter pylori. taas oo qofku hadaanu iska daawayn ku sababi karta nabarada caloosha (stomach ulcers) and kansarka caloosha (stomach cancer. ).
Calaamadaha gaaska (gastritis).
- Calol xanuun iyo calool barar
- Hunqaaco iyo dheefshiidka oo yaraada
- Gubasho iyo laab dilaac aad dareentid
- Dhiig aad hunqaacdid iyo saxarada oo madow noqota
- Yalaalugo iyo lalabo soo noqnoqota
- Amateed la,aan iyo daaco farabadan.
- Miisaanka oo yaraada
Waxyaabaha kugu sababi kara xanuunka gaaska (gastritis)
- Bacteeriyada caloosha ku nool oo dhaawacda gidaarka caloosha ( ganka)
- Da'da qofka oo wayn
- Isticmaalka isbiirtada (alcohol) iyo welwelka (strees).
- Isticmaalka daawooyinka caabuq dilaha iyo xanuun baa'iyaha sida (aspirin) iyo (ibuprofen.)
Daawaynta xanuunka gaaska (gastritis).
Daawaynta xanuunka gaaserigu( gastritis) waxay ay ku xidhan tahay wixii ku keenay markii hore qofaka ma cuntaa ma dawaa ma bakteeriyaa iwm,.
- Waxaana ka mida i qofka la siiyo daawooyin loo yaqaan ( antibiotics) kuwaas oo qofka ka yareeya aysiidha caloosha (stomach acid)
- Inuu qofku joojiyo isticmaalka kiniinada loo isticmaalo caabuqa iyo xunuun baabi,iyaha sida aspirin iyo ibuprofen.
- Inuu qofku iska saxo cuntada iyo inuu iska ilaaliyo welwelka (stress)
- Inaanu qofku isticmaalin isbiirtada (alcihols)
- Inuu qofku iska yareeyo miisaanka
- FG/:Hadaba kugulama talinayo inaad qaadato dawaayinka gaasteriga ee marka hore waxa muhiin ah inaad ka digtoonaato waxayaabaha sababa gaasteriga .
- Hadii ay ku haysana iska jooji waxa kugu sababay iska sax cuntada intaa hadii aad ku ladnaan waydo dhaktar u tab ka dibna raac talaabooyinka uu kuu sheego.
Waxyaabaha uu kugu sababi karo gaaska (gastrits) hadii aanad iska daawayn
Xanuunka gaasteribu hadii aanad iska daawayn waxa uu kugu sababi karaa
- Nabar kaaga samaysma caloosha
- Dhiig bax caloosh ah
- Calool xanuun joogto ah
- Kansarka caloosh
- Dhiig la,aan
- Inaad iska yarayso cuntooyinka ku badan yihiim aysiidha (acid) iyo baruurtu (fatty)
- Inaanad cunin cunto aad u badan maalintii
- Inaad iska ilaaliso welwelka (stress)
- Inaanad qaadan daawooyinka xanuun baabi,iyaha ah sida aspirin iyo ibuprofen
- Inaanad cabin isbiirto (alcohol) iyo sigaar
- Seexo 2 ilaa 3 saac ka dib markaad wax cunto."
Www.kalkaaliye.com
Thnks
ReplyDelete