Saliida afakaadhadu ( avacado oil ) waa saliid laga sameeyay ama laga miiray midhaha afakaadhada taas cuntada lagu darsado sideedana wad u cuni kartaa waxayna aad ugu dhow ama u eeg saliid saytuunta ( oliva oil ) nafaqo ahaan iyo waxtar ahaanba marka loo eego deeganada iyo cimilooyimka kala duwan ee aduunka iyo meelaha laga beero saliida afakaadhadu way kala duwanaan karta dhadhan ahaan midab ahaan iyo nafaqa ahaan .
Sidoo kale saliida afakaadhada ( avacado oil ) waxa loo isticmaala in la marsado jidhka ama maqaarka waxana laga sameeyaa waxyaabo badan oo ka mid ah waxyaaba maqaarka lagu qurxiyo ama lagu daryeelo kuwaas oo dhoofiyo ma laga isticmaalo caalamka oo dhan
Nafaqooyinaka ku jira 1 qaado ee saliida afakaadhada ( avacado oil )
- Calories 124
- Fat 14g
- Sodium 1mg
- Carbonhydrates: 0g
- Fiber: 0g
- Sugar: 0g
- Protein: 0g
Faa'idooyinka cafimaad ee saliid afakaadhada ( avacado oil)
- Saliida afakaadhadu waxay u wacan tahay aadnaha
- Waxa la helaa oleic acid oo fat aan dux badan lahayn
- Waxa laga vitamin E
- Waxay jidhka ka caawisaa inuu soo nuugo fat vitamins
- Waxay hoos u dhigtaa subaga (cholesterol )
- Waxay dejisaa caadiska dhiiga ( blood plessure )
- Waxay sare u qaadaa caafimaadka indhaha iyo maqaarka
- Waxay yaraysaa xubno xanuunka ( osteoarthritis )
- Way nafaqaysaa timaha wayna adkaysaa
- Waxay sare u qaadaa koritaanka timaha
- Waxa ku jirta magnesium oo ka dhigta timaha kuwo ifaya
- Waxay caawisaa jirida timaha ( hair scalp) taas timaha ka ilaalisa daadashada
- Waxay ka ilaalisaa waxyaaba dhaawaca
- Waxay ka yaraysaa cuncunka maqaarka
- Waxay ka ilaalisaa qalalka
- Way nafaqaysaa
- Waxay yaraysaa maqaarka sunta iyo caabuqa
- Way qurxisaa maqaarka waxayna ka difaacdaa falaadhaha cadeeda
- Waxay ka hortagta in maqaarku dhawacmo
- Waxay bogsiisa dilaacyada maqaarka