Magaca riwaayaddu waxa uu ahaa “Aqooni waa iska halkeedee, Afgarad baa ka horreeya”, hase yeeshee
markii dib loo qorey, si dugsiyada loogu dhigo, waxa loo soo gaabiyey, oo ay ku caan noqotey “Aqoon iyo
Afgarad”. Dulucda sheekadu waxa ay ku salaysan tahay in marka hore la is afgarto. Fariinta riwaayaddu
waxa ay odhanaysay in afkaar iyo afaf aad u kala duwan la isula yimaaddo, iyada oo aan la is fahmayn, oo
haddana la doono in qaran kaliya la wada dhistaa, waa mid aan suurogal ahayn. Maxamed Muuse Saxarxix oo
hordhac u sameeyey riwaayadda markii buug loo rogey ayaa qorey “Aqoon iyo Afgarad waxay qayaxday
afkaarta iyo afafka kala geddisan ee ay la soo laabteen aqoonyahan[n]ada Soomaaliyeed ka dib markay
dalal dhowr ah oo Yurub u badan wax ku soo barteen. Waxay Riwaayaddani inna tusaysaa in tacliinta ay
aqoonyahannadaasi soo barteen ay ahayd mid ku salaysan deegaan qalaad, manhajyo kala duwan,
cimilooyin ka geddisan tan xoolaha iyo beeraha dalku ku dhaqmi karaan. Sidaa awgeedna aanay waxba
kordhin karin waxay dhimaan mooyee. Taasi waxay marag u tahay in Aqoon iyo Afgarad ay dhiirigelinayso
deegaameynta Waxbarashada.” Ereyga furaha u ah faalladan, iyo farriinta hore ee riwaayaddaba, waa
“degaamaynta” waxbarashadaxx.
Ubucda jiliddu waa reer sabool ah oo ka kooban aabbaha (Raage), hooyada (Saaqa), gabadh (Dulmar) iyo
wiil (Deyr) ay dhaleen. Waxa soo raaca wiil yar oo gabadhu ku curatay, oo la yidhaahdo Dibjir, iyo dhowr
indheergarato ah (Ducaale, Dalmar, Deeqsi iyo Caalin) oo dalka dibaddiisa iyo gudihiisaba jooga. Wehel,
Waaberi iyo Warsame waa ardeyda uu Caalin wax u dhigo. Dahsoon waa astaanta gobannimada. Daallin
waa sarkaal dawladda ka tirsan. Suufi Bullaale waa wadaad-xume saarka tuma, Haatuf iyo Durraanna waa
cod aan la arkayn cidda odhanaysa iyo cawil reerka u maqan, sida ay u kala horreeyaan.
Sheekada qaybeheeda hore waxa ay sheegaysaa darxumada ka muuqata astaanta gobannimada, iyo dayaca
ku xeeran reerka oo waliba la caddeeyey awoodda dhaqaale ee qoyska oo curyaansan, heerka garaadkiisa oo
aad u hooseeya. Waxa ay qaybtani tusaysaa daawadaha xilliga oo aad u xun oo xoolaha iyo beeruhu
abaarsadeen iyo astaantii gobannimo oo curdin-dhadhay, indha la' oo cabanaysa. Waxa ay ka murugaysan
tahay in indhala'aantu ku timi intii gobannimada la helay. Waxa ku xiga indheergaratadii qoyska ugu
maqnayd waxbarashada dibadda oo soo degeysa, iyaga oo la yimid naanayso kala duwan sida: Doktor,
Dottore, Dituur, Ditoore; Brofasar iwm. Kala duwanaanshuhu ma aha naanaysaha oo kaliya e qaarkood waxa
ay u fekerayaan shuuciyad, qaarna hantigoosi, qaarna musuqmaasuq, qaar kalena doonid xuquuq biniaadannimo oo aan kuba oollin shuruucda waddanka. Fikradaha qaarkood way iska hor imanayaan ba, qaarna
dhibku waa isfahan la'aanta, afka iyo dabeecadaha. Waxa ay riwaayaddu si qurux badan innoo hor keeneysaa
is afgaranshawaaga ka dhex dhacay indheergaratadaas, sida ay waxtar u doonayaan ee misna ay u afgaran
la'yihiin ummaddii ay wax u tari lahaayeen; sida isafagaranwaagaasi uu u sababay in Dahsoon indhaha loo
jeexi kari waayo, oo ay dhakhtar fahma oo afgartaba dhibaatadeeda ay wayday. Isafgaranwaagaasi waxa uu
horseedayaa in Dahsoon silicdo, iyada oo indha la' ay dayacnaani u raacdo, in la furto oo la qaawiyo ilaa ay
maroora dillaacdo oo daaqad dheer iska shalwiso.
3. UBUCDA RIWAAYADDA
Aqoon iyo Afgarad waxay si quruxsan innoo hor keeneysaa is afgaranshawaaga ka dhex dhacay
indheergaratadaas, iyo dhibaatada uu gobannimada ku keeni karo. Dhinaca kale waxa ay inna tusaysaa in
gobannimadu aanay rajo dhigin oo ay la taagantahay guubaabin in dadku isbeddelaan, shaqaystaan, oo la
dagaallamaan xumaanta dhexdooda iyo xaqiraadda ay qaybi qaybaha kale ku hayso.
Si kastaba ha
ahaatee, qofka daawada Aqoon iyo Afgarad, toos ugama dhadhansanayo isku xidhnaansheheeda, farriinta
siyaasadeed ee ka aloosantay ka dib markii la dhigay, iyo sida turjumaadda heeseheeda loogu turjumay
farriin siyaasadeed oo dahsoon, taas oo sababtey in ay ibafur u noqoto silsiladdii Siinleydii. Arrinkan dib
ayaynu ugu soo noqon doonnaa (eeg cutubka 5aad).
Bilowgaba Dahsoon oo gobannimada ah waa la sugayay, markii la helayna waxa lagu soo dhaweeyey
- Ubucda riwaayada
ereyadan, iyada oo gumaysiga aad loo ceebaynayo:
Awowgay kuwii siray,
Kuwii sulubka nagu riday,
Soofkiina naga dhacay,
Nimankii sokeeyaha,
Ka dhex riday saraayaha,
Sixirkiyo dhurwaayada,
Nimankii ku sara kacay,
Seeftii gargaartaay!
Sagal iyo hillaaceey!
Seermawaydo hoortaay!
Sida aad ogsoon tahay,
Dadku waa ku sugayeen,
Mudday kuu sabraayeen,
Way ku saadinaayeen,
Haddii saaka aad timid,
Saxarlaay mindhaa nabad.
Haseyeeshee in aan xaalku saalloonayn, markiiba waxa aad dareemaysaa sida ay u dardaarwarisey
gobannimadu oo ugu sheegtay dadkii in ay shaqaystaan, oo fadhiga ka kacaan, xaalkuna aanu u ekayn mid
lagu farxo.
Marna doox sunsumaaya,
Samayn maayo anuu ye,
Nin seexdaa ma hodmaayo!
Inuu saami ritaana,
Samaday u jirtaa.
Waxa ay judhaba intaa u raacinaysaa dhiillo soo socota, iyo soofdaran habow ay ciddii dalka lagu aaminay
ku riddey shacabkii:
Anna waan sasayaa
Sawir baan arkayaayoo
Ninkaad saaka dirteen baa
Intaa ii sanqanaaya.
Sakataan ku jiraaye
Saanaddiinna afaysta
Durraan baan sugayaaye
Intaa ii sabir yeesha.
Dahsoon waxa ay markiiba abbaaraysaa difaaca xuquuqda hablaha, waxay ceebaynaysaa bulshada wali ku
dhaqmaysa in hablaha odayaal ka waawayn, oo aanay ka raalli ahayn lagu qasbo oo lagu daro, inta xoolo
laga qaato; haddana marka la soo furo ee ay isafgaran waayaan lagu caayo. Waxa ay ku doodaysaa sida
dumarku u yihiin lafdhabarta dhaqaalaha guriga iyo kan bulshada, waxana ay ku soo afjaraysaa dooddeeda,
iyada oo ragga hoos u gujinaysa:
Hadduu hawlkar yahay ruux,
Waa loo hibeeyaa
Dalka horumarkiisiyo,
Hìrarkaa la sahansaday,
Waa u heegan dumarkuye,
Maxaa uga horjoogtaan?
Dahsoon waxa ay isu dhagaysanaysaa muuqaallada hore dood kulul oo Raage iyo inantiisa Dulmar ka dhex
socota, ka dib markii la soo furey, oo ay ku eedaynayso sababta uu iskuulka ugu diidey markay yarayd ee uu
odeyga ugu daray, waxana ay leedahay haddaan waxbaran lahaa maanta waan anfici lahaa naftaada iyo
taydaba. Raage se waxa uu ku jawaabayaa in uu danta reerka waday markuu ninka ku qasbaayay. Dahsoon
dooddaas iyo murugada guud ee taagan waxa ay ka qaadaysaa indhabeel.
Sida aynu hoos ku arki doonno, riwaayaddu waxa ay daaha ka rogaysaa arrimo muhim ah oo ay ka mid
yihiin baahida loo qabo in la garowsado heerka ay dumarku kaga jiraan nolosha iyo in xaqooda
bini'aadannimo la qiro; dhiirrigelinta waxbarashada hablaha; dagaalka ka dhexeeya qolada Af Carabiga rabta
in lagu dhaqo oo diin ka carar ku eedaynaysa qolada kale ee Laatiinka u ololaynaysa; in laga digtoonaado ku
shaqaystayaasha diinta ee ka faa’iidaysanaya aqoon yaraanta dadku diinta u leeyihiin (khuraafaadka). Sheekh
Bullaale marka uu soo xero gelinayo Saaqa iyo Dahsoon, si uu u yidhaahdo anaa dawadiina haya, waxa uu
leeyahay:
Waxaan ahay sirri daari,
Sheekha seedaha weynee,
Saancaddaalaha meera,
U sarreeya dhammaan baan,
Furihiisa sitaa.
Xalay baa saq badhkii,
lnaad soo socotaan,
Lay sii siiyey warkiinna,
Sidii waa u iftiimay,
Intaa waydin sugaayaye,
Beledan ku salaantay,
By; jamaac muuse jaamac