QAABKA LOOGA BAAHANYAHAY INUU WAALIDKU ULA HADLO CARUURTIISA
- Muhiimadda uu leeyahay wada hadal dhexmara waalidka iyo caruurta
- Qaabka aad caruurtaada ula hadli lahayd, isla markaasna aad u dhaxal siin lahayd ubadkaaga habkan ku dhisan wada hadalka waalidka iyo ilmihiisa.
Aabayaal iyo Hooyooyin waxaa ogaataan markii la waayo wada hadal u dhexeeya waalidka iyo caruurta in xaalku noqonaayo sidan aad uga jeedaan sawirkan.
Waxaan u malaynayaa inuusan u baahnayn sawirkan sharax badan oo aan ka bixino, maxaa yeelay isagaa nooga filan inuu ina dareensiiyo baahida aan u qabno in wada hadal ka jiro guriga, haddii wada hadal la waayana xaalku sidan uu noqonaayo, waa si aan qurux badneyn !!! .
QIIMAHA UU LEEYAHAY WADA HADALKU
- Wada hadalku wuxuu keenaa in la saxo fahamka khaldan ee caruurtu qaadan karaan, isla markaana aadqalbigooda ku sugto anshaxa iyo akhlaaqda wanaagsan .
- Wada hadalku wuxuu keena yaraynta is qabqabsiga iyo buuqa guriga ka jira iyo waliba in lasoo afjaro dareenka ku dhisan cadaawadda ee guriga ka jira marka Wada hadalka la waayo .
- Inay gaaraan waalidka iyo caruurtu Isfahan keenaaya inoloshii ay u socoto si wanaagsan.
- Wada hadalku wuxuu keenaa xiriir ku dhisan kalgacayl kaa soo dhexmara waalidkii iyo caruurtiisa.
- Wada hadalku wuxuu sahlaa in la xaliyo mushkilad kasta oo timaada. (Aan wada hadalno waa aan wada heshiino).
Muhiimada la hadalka haboon ee caruurta
- Waxaad ogaataan wadahadalku inuu yahay hubka ugu xooga badan ee aad haysataan, ee aad ku sixi kartaan khaladka caruurta .
- Waxaa ogataan wadahadalku wuxuu dhidibada u aasaa kalgacaylka iyo isku duubnaanta waalidka iyo caruurta.
- wadahadalku wuxuu barayaa caruurta kalsooni , geesinimo , aftahanimo iwm .
- Saas darteed waxaynu leenahay (’ ilmahaaga hadal ku qanci ee feer iyo faralaab haku qancin ').
caruurta, si aad u gaartaan barbaarrinta aad doonaysaan inay idinka dhaxlaan caruurtiina markaa la soco qodobada hoos ku xusan."Ku biloow hadalkaaga aad lahadlayso caruurtaada dareen xanbaarsan kal gacayl, sida adigoo ku dhaha waan ku jeclahay ama hab inaad siiso ama inaad dhunkato, inaad u qososho, rayrayn inaad dareensiiso
- Ku biloow hadalkaaga aad lahadlayso caruurtaada dareen xanbaarsan kal gacayl, sida adigoo ku dhaha waan ku jeclahay ama hab inaad siiso ama inaad dhunkato, inaad u qososho, rayrayn inaad dareensiiso iwm .
- Si wanaagsan u dhagayso ilmahaaga markuu wax kuu sheegaayo, hadalkiisa qadarrin sii, sida aad u weyneyso marka aad la hadlayso qof aad hadalkiisa daneyneyso.
- Inta badan adeegso markaa ilmahaaga wax ka dhaadhicinaysid sheekooyon iyo tusaalayaal wax ku ool ah oo cabiraaya waxaad rabto inaad ilmaha u sheegto.
- Amaanta hakala bakhaylin ilmahaaga markasta uu wanaag sameeyo.
- Dhegta u raarici ilmahaaga markuu baahidiisa kuu sheeganaayo, adigoo shardi uga dhigaya inu wanaaga ku dadaalo.
- Markaa la hadlayso ilmahaaga ula hadal si wax ku ool ah oo dhimrin iyo naxariis ku jirto.
- Ugaarso meelaha uu ku fiican yahay ilmahaagu iskuna day inaad kobciso ama aad ku dhiiri geliso waxa uu ku fiican yahay.
- Adeegso oo ku dar waanadada kaftan bashaahnimo ku jirto, si aad u yarayso argagaxa iyo baqdinta uu ilmuhu dareemayo ama ku dhici karta.
- Haddii aad xanaaqdo ku cabir xanaaqaaga qaab wax ku ool ah.
- Waxaad ka digtoonaataa falaaraha biibaaya ee dhaawacaaya ilmahaaga,yayna kula fududaanin dhaawacyada ay falaarahaasi geysan karaan.
- Intaas waxay ahaayeen qodobadii oo kooban haatana iyagoo fidsan .