Sida aan wada ogsoonahay jidhka qofka bini aadamka ah waxa uu ka kooban yahay biyo qofka qaangaadhka ah waxa lagu qiyaasaa in 60% jidhkiisa ay biyo yihiin halka qofka yar ee dhashayna lagu qiyaaso 80% .
Hadaba biyuhu waxay ay ka kooban yihiin macdano (minerals) iyo waxyaabo aan dabiici ahayn (inorganic) sida ogsijiin (oxygen), haydarojiin( hydrogen) nitrojiin ( nitrogen) kuwaas oo jidhku nafaqo ka helo. Marka qofku biyaha cabo waxa laga nuugaaha midhicirada waxana la jidhka oo dhan waxana ay jidhka gaadhsiiyaan macdo iyo maadooyin muhiim ah sida ogsijiin, nitrojiin, haydarojiin, sodiyam, waxana ay ka saaraan waxyaabo qashina sida (waste minerals) yadoo loo saarayo kaadi ahaan iyo dhidid ahaan,
Shaqooyinka biyuhu jidhka u qabtaan
- Biyuhu waxay jidhka gaadhsiiyaan macdano jidhku u baahan yahay, waxay na ka saaraan waxyaabo qashina ,
- Waxay joogteeyaan heer kulka jidhka
- Waxay ka hortagaan calool istaaga waxayna sare u qaadaan dheefshiidka
- Waxay jilciyaan oo xaydheeyaan xubnaha jidhka
- Waxay ilaaliyaan xanguulaha (spinal cord) iyo xuubabka dareenka jidhka ee kale
- Waxay dejiyaan cadaadiskadhiiga,
- Waxay ilaaliyaan qaab-dhismeedka jidhka ( physical performence)
- Waxay sare u qaadaan shaqada maskaxda
- Waxay ka hortagaan madax-xanuunka ,kelyo xanuunka iyo dhagxaanta kelyaha
- Waxay yareeyaan miiska badan
- Waxay sare u qaadaan caafimdka maqaarka iyo quruxdiis
- Waxay koriyaan muquqyada
- Waxay sare u qaadaan tamarta jidhka
- Waxay bacteriya ka saaraan kaadihaysta iyo kaadimareenka
- Waxay sare u qaadaan dufaaca jidhka
- Waxay yareeyaan istereeska
- Waxay sare u qaadaan taranka
- Hadii uu qofku sameeyo jimicsi
- Hadii cimildu kulushahay
- Hadii shubanto ama hunqaacdo iyo hadii leedahay kelya xanuun
- Hadii ay ku hayso xumad iyo Iwm.
- Af ur iyo xanuun joogto ah
- Xanuun joogto ah
- Calool istaag iyo shaqada dheefshiid oo yaraata
- Daal iyo itaal daro
- Maqaarka oo diciifa
- Sonkorta oo kacada iyo kaadida oo yaraata
- Shaqada maskaxda oo yaraata iyo heer kulka oo kaca
- Kelyo xanuun iyo dhibaatooyin kale oo fara badan.
- FG/: hadaba waa muhiim inaad biyo kugu filan cabo 24 saac si aad digtoonaato dhamaan dhibaatooyinka caafimaad ee kor ku xusan,.