Vitamin A: waa fiitamiin ku milmi kara dufanka iyo nafaqooyinka lagama maarmaanka ah ee jidhka. Waxa uu muhiim u yahay koriinka, araga, qaybsanka unugyada jidhka, habka taranka iyo dufaaca jidhka.
Fitamiin A-ga sidoo kale waxa loo yaqaan ( retinol or retinoic acid): waxana laga helaa noocyo badan oo cuntooyinka ka mida sida khudaarta, cuntada galka leh caanaha iyo hilibka iwm. Isagoo kiniini ah (supplements) oo la liqana wuu leeyahay.
Hadaba cunista cuntooyin leh xadi kugu filan oo fiitamiin A ah waxay ka hortagtaa khatarta calaamadaha yaraanshaha fiitamiin A-ga jidhka oo ay ka mid yihiin. In qofka timihu ka daataan, dhibaatooyinka maqaarka, Dhibaatooyinka araga iyo dufaaca oo nuglaada iwn.
Faa,idoonyinka caafimaad ee fiitamiin A-ga
Fiitamiin A-gu waxa uu jidhka u leeyahay faa,idooyin caafimaad oo lagama maarmaan u ah kuwaas oo ka mid yihiin kuwan soo socda.
- Dufaaca jidhka ayuu ilaaliyaa
- Habka taranka ayuu ilaaliyaa
- Waxa uu u fiican yahay araga indhaha
- Waxa uu u fiican yahay caafimaadka wadnaha, sababka, kelyaha, iyo xubaha kale ee muhiimka ah
- Caafimaad qabka maqaarka
- Koriinka jidhka.
- Waxa uu ka hortagaa sumowga jidhka
Ilaha ugu muhiimsan ee laga helo fiitamiin A-ga
Ila ugu muhiimsan ee laga helo fiitamiin A-ga waxa ka mid ah kuwan soo socda:
- Vegetables : khudraha cagaaran sida isbanijka, liinta, baradhada macaan, iyo kaarootaha.
- Beerka
- Kaluunka iyo saliida kaluunka
- Yellow fruits: sida cambaha iyo babayga
- Ukunta
- Cambaha
- Cuntooyinka la diyaariyey ( fortified foods)
- Tamaandhada
- Digirta madow
- Jiiska
- Basbaaska cas iwm.
- Maqaarka oo qalala,
- Indhaha oo qalala iyo araga oo daciifa
- Indha la,aanta habeenkii (night blindness)
- Dhalmo la,aan ( infertility)
- Koriinka daaha ama yaraada
- Cuna xanuun iyo infekshinka ku dhaca laabta
- Buskashada nabarada oo yaraata
- Qaadista finanka maqaarka (acne)
- Ragga: 700 (ug) maalintii
- Dumarka: 600 (ug) maalintii
FG/: hadaba cunista cuntooyinka laga hello fiitamiin A-ga iyo la socodka fiitamiin a-ga jidhka waxay ka hortagaysa dhamaan Dhibaatooyinka caafimaad ee aan kor ku xusnay oo dhan.”