
Maaraynta ama yaraynta miisaanku waxay ku lug leedahay qaadashada qaab nololeed caafimaad leh oo ay hormuud u yihiin qaadashada nafaqada iyo jimicsigu, dabeecadaha wanaaagsan iyo dhiirigelinta saxda ah.
Awoodaha gudaha sida caafimad qabka wanaagsan, in uu qofku is xakameeyo iyo isku kalsoonaantu waxay qayb mugle ka qaataan firsadaha guusha, dhimista iyo maaraynta miisaanka.
Hadaba maskaxda ku hay inaad yeelato yoolal macquul ah iyo inaad ka fikirto quul mustaqbal waqti dheer ah, aamin naftaada, wad samayn kartaaye. Macluumaadka soo socda ayaa ku siin doona fikrado kaa caawinaya inaad gaadho hadafka ama yoolkaaga.
Xakamee dhaqankaaga guriga
Si aad u xakamayso miisaanakaaga waa inad ku dhaqantaa talaabooyinkan soo socda marka aad guriga joogto.
- Wax cun keliya marka aad fadhido miiska qolka cuntada ama kijada, ha cunin marka aad daawanayso telefayshinka, wax akhrinayso, telefanka ku hadlayso iyo xiliyada la mid ka ah
- Ka ilaali cuntooyinka soo jiidashada badan gurigaaga ha soo iibsan
- Iska ilaali soo jiidashada leh ee koloriiska badan
- Hadii aanad cunto diyaarinayn ka fogow kijada.
- Hayso cuntooyin fudud oo caafimaad leh sda qaybo yar yar oo khudaar ah , snaks iyo jiis iwm. lahayn dufan badan
- Ha dhigan miiska shaqada cunto fudud ,hana cunin xiliga shaqada
- Hadii aad joogto shaqada xiliga cuntada samayso qorshe cunto fudud oo caafimadle oo aad cunto
- Hadii aad hesho nasasho samee lug ama socod intii aad wax cuni lahayd
- Hadii aad ka shaqaynayso agagaarka cubtada sii qorshayso hal shay oo aad cunto xiliga cuntada
- Ha ku shaqayn cunta, cuntada oo lagu shaqeeya waxay hoos u dhiigtaa dheefshiidka waxana ay kugu sababi kartaa cunto badni
- Hadii aad waqti u helayso cuntada xiliga shaqada soo qaado cunto fudud oo caafimaadle , si degan u cun , isticmaal cuntooyinka koloriisku iyo dufanku ku yar yahay.
- Ku diyaarso saxanka aad wax ku cayso shoolada ama kijada ha saarin miiska cuntada. Hadii aad saartana isla mariiba ka qaad
- Qayb ka mida saxanka cuntada ka soo buuxo khudrad iyo booratiin kaliya
- Isticmaal saxamo iyo madiibado yar yar kuwaas oo u eekaan kara markay ay cuntadu ku jiro kuwo waawayn oo buux
- Iska ilaali inaad ku noqnoqoto cuntada
- Ku bedel cuntada waqtiga badan ee maalintii arin kale oo aan la xidhiidhin cubto
- Ha cunin cuntada ilaa aad gaajo dareento
- Cab koob wayn oo biyo ah inta aanad cunin cuntada ka hor
- Hayso caag wayn oo biyo ah oo aad cabtid maalintii oo dhan
- Ka fogow cuntooyinka kaloriiska sare leh sida kiriimka, bunka, subaga.
- Wax ha iibsan marka aad gaajaysan tahay ama daalan tahay
- Marka aad wax iibsanayso liisto wax ku iibso ha iibsan wax aan liiskaaga ku jirin
- Hadii ay qasab tahay inaad cunto iibsato iibso baakado cunto ah oo leh koloriis yar, iyo dufan yar ahna cuntooyin caafimaadle
- Ha dhadhamin cuntooyinka tijaabada ah ee dukaamada dhexdooda
- Akhri calaamadaha cuntada is barbar dhig waxyaabaha kaa caawinaya inaad samayso doorashooyinkaaga ugu caafimaadka badan markaa ka dib qaado
- Calaasho xajo marka aad cuntada karinayso
- Hadii aad doonayso inad cuntada dhadhamiso ka badsan qaado badhkeed
- Isku day inaad hagaajiso kaliya wax aad cuni doonto adiga oo aan naftaada fursad siinayn
- Hadii aad diyaarisay cunto ka badan intii aad cuni lahayd u qaybi meelo kala duwan iyo xilliyo kala duwan talaagada geli.
- Ha cunin cunto fudud marka aad cunto karinayso
- Si degan wax cun. Waxa ay qaadanaysaa ilaa 20 daqiiqo inay calooshaadu maskaxda u diro oo tidhaah wad deregtay, ha cunin cunto ka badan inta aad u baahan tahay
- Ha boobin cuntada si degan u cun. Marka aad cunto waxooga kugu filan biyo ka daba cab
- Qaado hudhmo yar marka cuntada cunayso
- Waqti u dhexaysii hudhmooyinka xilliga aad wax cunayso. qaado waqti sheeko
- Hadaad gaajo dareento xilliga aad banaanka joogto cun cunto khafiiqa
- Isku day inaad cunto cuntooyinka koloriisku ku yar yahay, sida khudrada, fuutiska iyo qaybo yay yar oo ka mida cuntooyinka caafimadkableh
- Cun cuntooyinka aad jeceshay lkn xadi yar.
- Ha cunin cuntooyinka soodhah leh
- Dalbo qaar ka mida khudaarta iyo cuntooyinka fudud halkii aad ka cuni rooti ama cunto fudud.
- Hadii aad dalbato saxan cubto ah oo koloriis badan cid ha kula cunto
- Ha dalban ama ha cunin cunto xad dhaaf ah waayo ha qasaarin cuntada
- Hadii aad u baahan tahay rooti dalbo hal xabo keliya, codso cunto aan lahayn dufan,saliid iyo khal.
- Ku rido saxanka cuntooyinka koloriisku ku yar yahay
- U adeeg naftaada oo rido xadi aan badnayn oo cunto ah
- Istaag ama fadhiiso meel ka fog miiska cuntada
- Ka fogow kijada ama is mashquuli hadii aad u dhowdahay cuntada.
- Akhriso buugaagta cuntooyinka dufanku ku yar yahay
- Isticmaal cuntooyin fudud
- Isticmaal cuntooyinka leh koliriiska yar iyo macmacaan kolirii yar
- Ka ilaali cuntooyink soo jiidashada leh gurigaaga
- Qurxi gurigaaga adigoon cunto isticmaalin
- Diyaarso cabitaano koloriis yar leh iyo cuntooyin loogu talagalay martida
- Qorshayso cunto cun caafimadle maalintii oo joogta ah
- Ka dhig jimicsiga waxqabadkaaga mudnaanta iyo qorshahaaga ugu horeeya maalintii
- Lugee muddo xiliga aad waqti hesho u yaraan
- Tag qolka lagu jimic sado jiimka
- La lugee saaxiibadaa
- U lugee suuqa marka aad wax soo iibsanayso
- Maalmaha fasaxa lugee ama baaskiil kaxayso
- Samayso qorshe caafimaad qaba oo aad ku, dhibto, ilaaliso, kuna joogtayso miisaankaaga
- Noqo qof macquul ah, yeelo yool aad ku gaadhayso caafimaad qab.
- Xooga saar qaab cunteed caafimaad qaba lkn xooga ha saarin cunto badan
- Ka fikir waqti dheer waxad horumarisaa dhaqamo cusub oo caafimaad qaba oo ugu dhaqanto si joogto ah si aad u gaadho guul