Gebi ahaanba waa suurtogal inaad barato sida loo bedelo noloshaada oo aad ugu noolaato riyadaada una gaadho hamigaaga, waxa laga yaabaa inaanad dareemin inay sidaas noqon karto. Waa wax run ah. Hadii aad hareerahaaga eegto waxa aduunka ku nool qof ku soo koray, waqti, iyo xaalad la mida sidaada, kaas oo ku guulaystay in uu noloshiisa wax ka bedelo.
Markaa waa suurta gal inaad noloshaada si wayn u bedesho lkn taas macnaheedu maaha inay fududahay
Markaa hadii aad rabto inaad noloshaada wax ka bedesho raac dabeecadahan soo socda.
- Go’aanso inaad bedesho noloshaada
Si kale hadii aan u dhigno isbedelku waa qaadashada go’aamo adag taas oo ku. xidhan sidee ayaad rabtaa inaad noloshaada u bedesho? Maxaad doonaysaa inaad samayso. Marka aad go’aansato inaad bedesho noloshaada waa suurtagal inaad gaadho mahigaaga.
- Yeelo adkays
Markaa caaadayso inaad ka fogaato agaaga raaxada tusaale ahaan.
- Ku dedaal cidaada illaahay xiligeeda
- Ha cunin cunto isku mida laba waqti maalintii
- Samayso jadwal shaqo, mid jimic iyo akhris
- Waqtigaaga ha ku lumin sheekaysi, asxaab iyo hadal
- Daawo filimada ifiiminta maskaxda
- Daawo filimada dhiiri gelinta
- Aqoonso sababta aad rabto inaad noloshaada u bedesho
Marka aad ka shaqaynayso sidii aad noloshaadacu bedeli lahayd inta badan way fududahay inaad bilowdo go’aaminta wax aanad rabin ka hor intaanad baadhin wax aad rabto. Hadaba qor dhinacyada noloshaada ee aanad jeclayn. Ma neceb tahay shaqadaada?. Ma jeceshahay meesha aad ku nooshahay noloshaada bulsho ama sida aad dareemayso inta badan?. Ma jiraan duruufo ama caadooyin wax dumiya oo aad rabto inaad ka gudubto? Waxyaabahaas ha isku mashquulin kaliya qoro ka dibna u gudub tallaabada ku xigta si dhakhso ah.
- Qeex isbedelka aad rabto inaad samayso
- Inaad bilowdo ganacsi cusub
- Inaad u guurto deegaan cusub
- Inaad samaysato asxaab cusub
- Inaad samayso horumar cusub
- Inaad dhisto kalsoonida naftaada
- Inad joogiso caadooyin xun xun oo aad lahayd
- Aqoonso waxyaabaha dib kuu celin kara
- Dib ma u dhigataa?
- Daawashada filimada, baraha bulshadu kulmaan, maandooriyayaasha, iyo ciyaaraha,wixii la mida
- Ha qaadan hadalada xun xun ee naftaadu kubleedahay
- Ka fogow dadka xun xun ee kaa niyad jabiya inaad is bedesho
- Door hal shay
- Keenso fikrado fiican ama yoolal
- Si cad u qeex hadafkaaga
- Deji khad si aad u ogaato goorta aad gaadhay yoolka ama hadafkaaga
- xaqiiji in hadafkaagu yahay mid waaqici ah xilliga la qabtay
- Deji hadaf kaa caawin doona inaad wax ka bedeaho noloshaada gudaha
- Samayso waqti kama danbays ah si aad naftaada ugu dhiiri geliso inaad gaadho yoolkaaga
- Diyaar ahoow duufaanada
- Ha tegin qofskaaga iyo asxaabtaada
- Ka fogow