ABWAAN HAADRAAWI
MAANSADA SIRTA NOLOSHA.
SIRTA NOLOSHA : waa maanso aad u qiimo badan oo si togan uga hadlaysa dhinayo badan oo nolosha aadanaha ah sida Aqoonta , Qiyanka , Akhlaaqda, Nolosha, Halganka, iyo Dhaqanka iyo Waano dhinacwalba taabanaysa waxana qofka akhristaa ka faa’idayaa talooyin aad u qiimo badan, waxana uu abwaanku ku hal-qabsanayaa gabadh uu dhalay saaxiibkiis oo la yidhaa SAHRA RASHIID SH. CABDILAAHI. Waxay ay odhanaysaa sidan….
Saaxiibkayoow heedhe
Safar baan ka imi dheere
Marka hore salaan diiran
Marka xiga samoow heedhe
Ha ka nixin sin-dalagtayda
Sacab fara-madhnaantayda
Suugaanta yaabkeeda
Salka iyo fadhaa keena
Marka xiga sugnaanteeda
Socodkiyo falkaa sheega
Saaxiibkayoow heedhe
Amba saaka qaybteeda
Sirsiraan ka joogaaye
Xadhigiyo bal eeg suunka
Iyo sabarka gaadiiday
Iyo salabka ii qaadhan
Iyo suudha guudkayga
Hilaygiyo waxaan saabka
U gilgilay samoow haanta
Subag inay ku dhiiqdaaye
Saasay ku badisaaye
Sannad waliba xeeshiiye
Kol hadday siloonaato
Samaheedu waa dhiige
Subuc talada loo dhiibye
Sida sida sidaas weeye
Si la yeeli jiray weeye
Marka xiga samoow heedhe
Talo sibiq dhaqaaqeeda
Soof-daran haboowgeeda
Sal-fudaydka hoogiisa
Bal salaankan fuul laalan
Iyo sagabtan heensaysan
Dhulka saas u jeedaali
Sidan iyo sidaas fiiri
Sidan iyo gadaal dheeho
Raqda solan lafaa soogan
Bal su’aal u celi maydkan
Sababtuu u go’ay raadi
Bal dhegayso seylaanka
Iyo salawga beer-qaadka
Iyo sebiga yeedhiisa
Waxaad maqashay oo saasaa
Maxaad odhan lahayd suudi
Samalaho furfuridooda
Godka seer-mawaydaanka
Marka ay sabuux gaadho
Si kalaan u dhigi taasi
Saaxiibkay waayaale
Suurtuu dhalaay heedhe
Waxaan adiga kuu saantay
Dadka kaaga soo soocday
Sahra kuugu yeedh-yeedhay
Siduu aabahaa heedhee
Sama ii faraan heedhee
Kuu siinayaa heedhe
Sooyaalka taariikhdu
Iyadaan sal-guurayne
Murtidaan sahraay heedhe
Sadar kuugu qorayaaye
Heedhee sahraay heedhe
Curad suubbaneey heedhe
Summadii rashiid yeelo
Iyo weynidii saado
Iyo sawracii hooyo
Sinjigii hablaa geeska
Subaxdii indhaha kuulo
Tintu saqaftu yay waayin
Iyo diibka loo saaro
Subko oo xayaabayso
Korka siigo yay taaban
Ku ilaali saabuunta
Dharku siifad yuu yeelan
Suyac iyo bar gaasheysan
Ku ilaali saahoodka
Garashadu sahraay ruuxa
Sed u gaara weeyaane
Haduu saamigaas yeeshay
Qurux ma leh saluuggeedu
Dadku siigga dida maaha
Sogob iyo ri’wayn maaha
Sumal iyo laxdiis maaha
Rati iyo sabeen maaha
Falka iyo sugnaantiisa
Socodkiyo abbaartiisa
Dhaqan sida xishoodkiisa
Dabar iyo silsilad haysa
Iyo suun ma dhaafaan ah
Wuxu soofka xoolahaba
Kaga soocan yahay weeye
Waxan uga socdaa heedhe
Naftu seeto yay waayin
Hana falin sidaad doonto
Hadalkana sar weedhiisa
Una saaf qofkii waaya
Ka tegin sarbeebtiisa
Hana gelin sursuur oodan
Hana lumin sargoyntiisa
Hana liqin sangaabtiisa
Ha ku saxan badheedhkiisa
Runta sogordoh haw yeelin
Ha suul-daarin doodiisa
Sisibaa wadaagiisa
Sababee abbaartaada
Hana badin su’aashiisa
Sarifkiyo tilmaantiisa
Sedex eray halkii dooni
Sodon yaanay kaa qaadaan
Sidi-qabaxi yay raacin
Sare haw dhig-dhigin luuqda
Gacantana ha saydh saydhin
Hana odhan wax sawliila
Heedhee sahraay heedhe
Sarta hilibka dheehaaga
Samaydaada dhererkaaga
Sarajooga muuqaaga
Sanqaroorka jaahaaga
Dahab iyo xariir saan
Uma baahna saantaadu
Hada silis ha xidhan maaha
Luquntana ha sudhin maaha
Waxan uga socdaa heedhe
Marka aad sunuud hayso
Waxa suuq mug-wayn yaalla
Ha la simin kitaab weeye
Hurdo iyo sahraay jiifka
Marka hore sariir raadi
Salli iyo furaash dayday
Sadexdaba hadaad waydo
Lama seexan kari waayo
Hadda saantu qodax maaha
Suugaantu gogol weeye
Nin ka qaday sahraay tiisa
Hadduu seed liqliqiddeeda
Ku saruurad goyn waayo
Subag iyo baruur doono
Siduu jecelyahaa been ah
Dhadhan iyo sibraar kayda
Siddig caanaheedaa leh
Badar iyo sareen shiidan
Iyo sixin ku iidaaman
Wax la cuno sabiibaa ah
Nin samaystay baa faan leh
Waxaad haysataa saas ah
Ka sokow intaan sheegay
Hadda soortu dacar maaha
Dharku saadhi qudha maaha
Saylooni garan maaha
Iyo sabarandaa giiran
Mana aha sulwaal biid ah
Hadaan saarku kuu diidin
Sadex-qaydu ceeb maaha
Heedhee sahraay heedhe
Sar daruuran oo maasa
Mara abu sarmaantiiya
Dhacle baarka loo seesay
Boqor wada siyaakhaysan
Sildiyaal jiljila dhiibsan
Tusbax dhawr sagaal laab ah
Iyo qool sunaar dheehan
Subeeciyad xiddiyo laaf leh
Adigoo siddeeddaas hal
Iyo timaha oo soohan
Ku darsaday sifaha guudka
Garashiyo sariig sheegtay
Sinta bidix ka laafyooday
Ma qofkaa sitaa jooga
Hadda salamadhloow gaabi
Ha ku jabin saqlaha waalan
Sallow ololka hooy jooji
Ha saloolan xayndaabka
Ha ku bixin saloognaanta
Ha sariiran waayeelka
Sakatiga ka daa beesha
Saha iyo af-kala qaadka
Ha ka nixin hiddaa suuban
Gabdhayahoow sidee waayee
Ilbaxnimadu saas maaha
Hadba suuf karkaro maaha
Sararaha banee maaha
Qor qor suuniyaha maaha
Dhabanada sibaaq maaha
Sanka oo la mudo maaha
Sarkhad iyo xashiish maaha
Sawir iyo riyaaq maaha
Filin iyo sarcaad maaha
Saxan reer-galbeed maaha
Kabo sookal dheer maaha
Suuriyo durduro maaha
Silsiloow cid kale maaha
Qof siloon ku dayo maaha
Wax sawaaban noqo maaha
Sinta iyo lafaha duudka
Seddex jeer jejebi maaha
Soomaali diid maaha
Sidaad doonto yeel maaha
Dhulka oo ku sidi waaya
Samadoo la koro maaha
Xiliyada wax saareenka
Iyo saacadaha reeban
Sabadiyo rugtay joogtay
Gabadh timi ma saalloona
Ku saliya rasuulkiina (scw).
Salka dhiga guryaha seexda
Sunsun falan siddeha fayda
Sati fudud salaan sheegan
Indha suhub af geed saarrey
Hadba surin ka sheekeeya
Sidan iyo sibaas yeela
Erayada saluugoo dhan
Kuma lihid sahray meela
Adigiyo intii seeran
Inta saahidee dhowran
Inta gabadh sidaadaas ah
Uma socoto weedhaydu
Sumbo iyo maraadaa leh
Inta sibiq dhaqaaqdaa leh
Sagan daaqa jiitaa leh
Inta marinka seegtaa leh
Waxba aan sugayn baa leh
Inta sharafta saydhaa keh
Suuraafta maqan baa leh
Xadhig lama sitaan baa leh
Saca faarsa nacay baa leh
Barni sumal-xadkeedaa leh
Heedhee sahraay heedhe
Suugaantu iib maaha
Eray iyo sunee maaha
Hugun iyo sitaad maaha
Siddi iyo i daya maaha
Sali ugu ducee maaha
Ku caleemo saar maaha
Sulan reer ku cay maaha
Sadho iyo xajiin maaha
Laba saaq ku gado maaha
Waxan saylad gelin weeye
Sahdi iyo dareen weeye
Bulsho saasaheed weeye
Samaheeda mudan weeye
Sawmeeda diga weeye
Sacabkeeda kulul weeye
Sahan iyo tilmaan weeye
Dhaxal soo jireen weeye
Wax ku saabsan meel weeye
So’da iyo ka guro dhuuxa
Heedhee sahraay heedhe
Sirta noloshu xoog maaha
Dhagar iyo suryee maaha
Surma seegto deden maaha
Sibqi iyo hunguri maaha
Sacab iyo ka leef maaha
Sukhrad iyo fal-xumo maaha
Hadba seeb u rogo maaha
Salfo iyo ku faan maaha
Damac iyo sandaho maaha
Darajiyo sandalo maaha
Saro iyo dhalaal maaha
Sidan iyo sidaas maaha
Hadda sadadu lacag maaha
Heedhee sahraay heedhe
Bulsho saami loo tuurtay
Shan siyood wax loo yeelay
Samir inay xigtaan maaha
Surka inay dhigtaan maaha
Sas inay didaan maaha
Inay suudalaan maaha
Sardho inay galaan maaha
Sixir inay dirtaan maaha
Inay kala saftaan maaha
Nin i sugayayoow heedhe
Anigoo ku sugay heedhe
Maxaad ii sugtaa heedhe
Heedhee sahraay heedhe
Marka haadu socod dayso
Dhirta sare tukuu fuulo
Gorayadu sanqadho reebto
Adna soonka xidho maaha
Mugdi talada sii maaha
Berri iyo siday doonto
Sug cadceeda maqan maaha
Saqda dhexe habeen soocan
Mugdi simay adduunkeena
Wax siraata noqo weeye
Heedhee sahraay heedhe
Saranseerka jiilaalka
Surbacaadka jaahweynta
Sumal-haadka roob waaga
Iyo solanka daaduunka
Cirka oo sabaad guuray
Dhulka oo huwaday siigo
Iyo dogobo soogsoogan
Marka beladu sooyaanto
Saadaashu beenoowdo
Saca kululi kaa leexdo
Adna sabanka raac maaha
Inaan sabadu duugoobin
Sayax iyo ugbaad waayin
Sudda iyo degaankaagu
Surmi iyo haraad yeelan
Ama saacu guur-guurin
Sohda ceelku dheeraanin
Adaa yeeli kara saasba
Heeshee sahraay heedhe
Saxariirka aafaadka
Saxallada kal-meerkooda
Sambabkuba col weeyaane
Marka sayno loo iisho
Ama soofku jaan qaado
Ushu way sabooshaaye
Ha ku dagan sidsidideeda
Qalinka wax suureeya
Kugu sima halkaad doono
Saxiib kal-furan weeye
Sunto fara ku hayntiisa
Weligaa ha sii daynin
Sisin iyo ku beer muufo
Iyo laanta saytuunka
Ku qotomi sugnaan waarta
Iyo nabada seeskeeda
Samo iyo ku doon heedhe
Dunidiyo sinaanteeda
Ku dawee sawaaceenka
Iyo siica daacuunka
Ku burburi sarbaa mooska
Iyo soohdimaa meersan
Ku midee samuud raaca
Midabada la sooc soocay
Dadkan toban saamood leh
Weligaa ha tumin seefo
Iyo sabaradaha mawdka
Nin ku siin karaa haysta
Boqor iyo suldaan baa leh
Sanco yahan gaboobaa leh
Sahankaynu diranaa leh
Kaynu wada sugaynaa leh
Nin sokeeyeheena leh
Samoow aabeheen geediyo
Hooyadeen suuban
Seddexdooda wiil heedhe
Ninka ugu sed-roon baa leh
Ugu socod horeeyaa leh
Ninka sida xilkeenaa leh
Ka sarjara heddeenaa leh
Salab ciidu hayn wayday
Xidigaha ka sudhay baa leh
Nin sabuul la aayaysto
Dhulka siib ku ridin baa leh
Nin sahraay adduunkeena
Saacad gubi karaa haysata
Ninka sigay kun jeer baa leh
Waxa nolosha saameeya
Sako nin ka bixin baa leh
Qofka saawa-saawaysan
Santi nimaan ku furan baa leh
Nin aqoonta soorkeeda
Sida kale u rogay baa leh
Ninka saadka maadhiinka
Ugu roon daboolkaa leh
Nin samaa ku adag baa leh
Nin ku filan sal-guurkaa leh
Sannadkaynu caydhoownay
Kaynu suus ka waynaa leh
Naftu waa sir xeel-dheere
Nimaan suubin karin baa leh
Wedka qudha sameeyaa leh
Sula iyo xanuunkeeda
Shalay iyo sadaadeeda
Iyo saawihii hooga
Naxdintii badhbaa suuxsan
Selelkii badh baa waashay
Dad sawaaban baa buuxa
Dumar waayey saygooda
Hangashii sidaa muuqda
Ololkii badh baan seexan
Sarihii dumaa jiifa
Qabrigii sinmaa jeexan
Waxa saaka joogow ah
Salabkii horaa tuuran
Surrad baa i guud taalla
Samadiyo dhulkaa buuxa
Baddu waa sakalo miidhan
Qalab suruc leh ba laalan
Sanqadhuhu hub kacay weeye
Sabarkii dadkaa baahan
Saantii dadkaa qaawaan
Weli talo ma saaloona
Waxa soo socdaa yaab leh
Wershad suufiyaa daaran
Waxay soo sidaa geeri
Belo aan fan seeraarka
Saxar loo mar-marin weeye
Waxan ahay qof cayn saaban
Deldelaad u sudhan jeebka
Alloow yaa suureeya
Salka dunida yaa dhawra
Iyo seeska jiritaanka
Wacanaa san-saankeedu
Badanaa sudaaddeedu
Saxanaa hanaankeedu
Allow yaan sugnaanteeda
Saymiyo u rogin duullan
Subax noolba dhiig daata
Xadhig iyo silsilad shiilan
Alloow yaan sinnaanteeda
Ku beddelin saraar oodan
Iyo seere wiil qaytay
Dadka saaran guudkeeda
Yaan ka dhigin sabool qaawan
Iyo soobir caydh jooga
Eray sami wuxuu gooyo
Allow yaan ku jarin soodhka
Garashada ka dhigan seefo
Allow yaa su’aashaasi
Sida ay u tahay yeela
Heedhee sahraay heedhe
Dhulka iyo wixii saaran
Sare iyo wixii laalan
Inta sudan intii seeman
Waxa jira sir iyo caadba
Rabbi qudha sax weedhiisa
Sida uu ku yidhi buuxi
Waxa hadhay salkiyo baarka
Inta sool qarsoon joogta
Inta seek xidh-xidhan jiifta
Inta saydha waabeyda
Maroodiga sidaa dheer leh
Wiyil iyo sahboodkeeda
Inta laga subxaanaysto
Kolay tahay libaax sayn leh
Marka aad sahraay meel fog
Uga suul-dhabaalayso
Deg-deg inay sujuuddaada
Suxullada dhigtaan weeye
Sidashada awooddaasi
Sahal iyo wax fudud maaha
Qofba waa si garadkiisa
Heedhee sahraay heedhe
Badda iyo sulaaqeeda
Iyo buurta saynsaaban
Onkodkiyo sawaxankiisa
Salowgiyo jibaadkiisa
Danabkiyo sal-salihiisa
Sarka dhabanka duufaanka
Ha ka didin sawaxankiisa
Duni kuu sakhiran weeye
Sayid baad u tahay caana
Suubaali oo layli
Ku sasabo aqoontaada
Senge iyo ka dhigo dooni
Sallo iyo ka dhigo oori
Gabadh weeye caad saaran
Badi saayiraadeeda
Iyo laab-salaaxeeda
Guro saadka guudkeeda
Iyo sahayda uurkeeda
Kordhi noole soorkeeda
Iyo baahi soorkeeda
Hubi nabad sugnaanteeda
Iyo sabo negaanteeda
Ha ku deyin xanuun saaqa
Ha ku badin saqaaf ciidan
Suluf iyo calaad waarta
Ha ku saaxin naabaalka
Iyo sukhulo naareedka
Ha ku didin sabbeeyaanka
Sabareynka bood-booda
Ha la dhicin sawaariikhda
Iyo saanadaha miigan
Ha sumayn macaankeeda
Salabaha ha marin dooga
Ha burburin sansaankeeda
Quruxdiyo sureerkeeda
Ha sadhayn hagoogteeda
Sagalkiyo daruurteeda
Ha sukuumin uunkeeda
Saryankiyo ugaadheeda
Ha fur-furin sin-dadabteeda
Ha ka rogin dul-saarkeeda
Udubada ha siibsiibin
Ha afuufin suurkeeda
Subax qudha ha duuduubin
Sakaraadka taaheeda
Uga xilo samaanteeda
Sacabkiyo mashxaradeeda
Garashadu mid soofaysa
Ha ka dhigin sadqaynteeda
Ha ku solo wanaageedu
Ku sin inan dumaalkeeda
Kuwa saadanbee laalan
Heedhee sahraay heedhe
Saban tagay xusuustiisa
Raad-raaca siinleeyda
Socod barashadii dooda
Saxarliyo abbaarteeda
Anigaan wax saaraynin
Sannad iyo garaadkiisa
Saadaashu been weeye
Waxba samir ma liileeyo
Ha sarwicin qof kaa jeeda
Hana sugin qof kaa maarmay
Hana sigan mar mooyaane
Nin ku siray ha faalaynin
Sababaha ha waydiinin
Ha u seeto dheeraynin
Sibiq iyo ku qabo baydo
Hana falin siduu yeelay
Nin ku yidhi anaa saasa
Sida uu ku yidhi heedha
Hadii ay siniin waydo
Ama sarin sanaan waydo
Waxa furan sidaas maaha
Qof saluugay maankiisa
Ama suufay muuqiisa
Ka sal-kacay xaqiiqdiisa
Qabku saami ladha maaha
Nin sitaba bar baa saaran
Nin ka sii sitaa jooga
Ragganimada sooceeda
Adigoo sagaal buuxshay
Hal ku seegay baa yaalla
Sogotiga qof tegayaa leh
Si haday u dhici waydo
Si kalaa u waan-waan ah
Dunidaa sidaas yeesha
Sooryana qof yimi baa leh
Nin salaad u kacay oogan
Sahwi galay xalaakeeye
Adna sahanka beel loogan
Ha ka dhigin socdaal baada
In halkii sal hayn waayo
Laga sabo rogtaa doora
In su’aal jawaabteed leh
Lala sara-kacaa fiican
Qof ku yidhi sinanmayno
Adna buri sarrayntiisa
Sedka waad wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu
Selelkana hurdaa keenta
Hana seexan goor baas leh
Han sareedo loo waayey
In saraayo loo daayo
Sida aan u idhi weeye
Belo saacadeed joogta
Sabti nabada haw riixin
Subax dhalatay caadkeeda
Ha ka bogan wax-saarkeeda
Adiguba samee maanta
Beritaba sargoo heedhe
Noloshaba inaad saafto
Qaabayso saabkeeda
Waxan suuro gelin maaha
Garashiyo sugnaan hoyso
Falka sami ha kuu raaco
Mana jiro sed kaa baaqday
Ilbaxnimadu saas weeye
Sirta noloshu taas weeye.
……..DHAMAAD………