Boorashku: waa mid ka mida cuntooyinka midhaha ee loo yaqaan (grains) ama fiber cuntooyinka qolofta leh kuwaas oo muhiimad sare u leh dheefshiidka jidhka , boorashku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka galka leh kuwooda ugu caafimaadka badan waxa uu ka kooban yahay macdano muhiima, fiber, antioxidants, sidoo kale waa ilwayn oo muhiima oo laga helo fiitamiino badan.
Hadaba boorashu waa cubto dhadhan wacan kaas hadii sidiisa midho ahaan loo kariyo qaadan ka kara waqti dheer lkn dadku waxay door bidaan marka la burburiyo ama la shiido sababta oo ah marka waxa uu qaata waqti yar waxana aad ku karsan kartaa caano ama biyo kulul, badanaa dadku waxay ay cunan xiliga quraacda.
Sidoo kale boorashka waxa lagu daraa cuntooyinka fufud iyo macmacaanka sida keega ama doorshaha, buskulka, sharaabada iyo wixii la mida.
Faa’idooyinka caafimaad ee boorashka
Hadaba akhriste halka waxan kuugu soo gudbinaynaa qaar ka mida mida faa’dooyinka caafimaad ee laga hello cunista boorashka kuwaas oo ah wax cad oo laysla wada qirsan yahay waxana ka mida kuwan soo socda.
- Boorashka waxa laga helaa nafaqooyin badan
Macdanaha, nafaqooyinka, iyo fiitamiinada laga hello boorashkaw waa kuwo isku dheeli-tiran waana il wayn oo laga hello carbonhydrate-ka, fiberka, protein iyo amino acids kuwaas oo jidhku u baahan yahay.
Waxanaga la ogaaday in koob badhkii ( 78 gram) oo boorash qalalan ah ay ku jiraan.
- Manganese: 63.91% xadiga maalinlaha ah
- Phosphate: 13.3% xadiga maalinlaha ah
- Magnesium: 13.3% xadiga maalinlaha ah
- Cooper: 17.6% xadiga maalinlaha ah
- Iron: 9.4% xadiga maalinlaha ah
- Zinc: 13.4 xadiga maalinlaha ah
- Folate: 3.24 xadiga maalinlaha ah
- Vitamin B1( thiamine): 15.5 X. Maalinlaha ah
- Vitamin B5 ( pantothenic): 9.07 X. Maalinlaha ah
2. Boorashku waxa uu qani ku yahay antioxidants
3. boorashku waxa uu ka kooban yahay fiber
- Waxa uu yareeyaa ama ilaaliyaa xadiga dufanka jidhka (LDL. cholesterol ).
- Wuxu yareeyaa sonkorta dhiiga isagoo taageera soo daynta maadada insulin ee maamusha sorkorta dhiiga.
- Waxay sare u qaadaa dheefshiidka.