Qaraha ama xabxabka sidaa u taqaanba waxa la aaminsan yahay in markii ugu horaysay 4, sano ka hor lagu beeran jiray waqooyiga afrika, qaruhu hadaba waa khudaar wayn oo wareegsan oo leh qolof sare oo cagaar ama doog ah kaas marka la kala jaro hoosta ka ah casaan dhalaalaya.waxan uu hodan ku yahay nafaqooyin ay ka mid yihiin, antioxidants (walxaha jidhka sumowga ka ilaaliya.) fiitamiin A iyo C.
Hadaba waxaan ka sheegi doonaa Faa’idooyinka caafimaa ee ugu muhiinsan ee laga hello xabxabka ama qaraha, waxana ka mida.
- Qaruhu waxa uu jidhka ka ilaaliyaa kfuuq-baxa
Cunista cuntooyin ay ku badan yihiin biyaha waxay ay kaa caawinyaan siinta jidhkaaga biyo uu u baahan yahay iyo inuu si sax ah u shaqeeyo. Hadaba qaruhu waxa uu ka kooban yahay 92% biyo taas oo ka dhigaysa doorashada ugu wayn ee qaadashada biyaha maalinlaha ah, intaa waxa dheer inuu leeyahay xad aad u yar koloriis ah, taas ka dhigaysa uu qaruhu sidoo kale yareeyo miiska maada ay cuntooyinka koloriis yar leh miisaanka hoos u dhigaan.
- Waxa uu ka kooban yahay nafaqooyin macdano faa’ido badan.
Halkan ka arag naqafooyinka ku 1 koob ee qaraha ah (152 gram).
- Calories: 46
- Carbs: 11.5 grams
- Fiber: 0.6 grams
- Sugar: 9.5 grams
- Protein: 0.9 grams
- Fat: 0.2 grams
- Fiitamiin A: 5% xadiga maalinlaha ah
- Fiitamiin C: 14% xadiga maalinlaha ah
- Potassium: 4% xadiga maalinlaha ah
- Magnesium: 4% xadiga maalinlaha ah
- Waxa uu ka hortagaa kansarka
Lycopene: ayaa la aaminsan yahay inay ka shaqayso hoos u dhigista heerarka dhiiga ee koritaanka insulin sida koritaanka factor (IGF). Oo sare u qaada qaysanka unugyada waxa xusid mudan in kansarku ka bilaamo kala qaybsanka unugyadu ay noqoto mid aan la xakamayn karin. Intaa waxa dheeer cucurbitacin waxay ka hortagtaa koritaanka burooyinka kuwaas oo sare u qaada koritaanka kansarka unuugyada.
- Wuxu kor u qaadaa caafimaadka wadnaha
Daraasado la sameeyay ayaa soo gudbiyay in lycopene ay gacan ka geysato inay hoos u dhigto kolostoroolka jidhka iyo cadaadiska dhiiga waxana laga yaabaa inay caawiso ka hortaga sumowga jidhka ee ay keento heerarka sare ee kolostoroolka jidhka.
Xab-xabka waxa ku jira sidoo kale citrullin oo ah amino-acides oo kordhin kara heerar nitrik asiidhka jidhkaaga taas oo jidhka ka caawisa dejinta dhiiga waxay balaadhisa xidida dhiiga. Fiitamiinada iyo macdanaha kale ee wadnaha caafimadka u leh ee ku jira qaraha waxa ka mida potassium, magnesium, fiitamiin A, B6, C
- Qaruhu sidoo kale waxa uu ka hortagaa caabuqa iyo walwalka
- Qaruhu wuxu ka hortagaa murqaha oo daciifa
Xiladaha la xidhiidha dhibaatooyinka dhanka araga xilliga da’da waxay keenaan dhibaatooyinka indhaha siiba indho la’aan dadka waawayn. Habada lycopene oo ah antioxidant ayaa door mihiim ah ka ciyaarta inay yarayso khataraha kharaha dhanka murqaha muscular degeneration AMD.
- Qaruhu waxa uu ka hortagaa xanuunada murqaha
- Waxa uu kor u qaadaa caafimaadka maqaarka
Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday qaadashada fiitamiin C la liqo ama cutada lagu darsado inay yarayso laalaabyada maqaarka iyo qalal. Fitamiin A sidoo kale waxa uu muhiim u yahay caafimaadka maqaarka maadaama uu qayb ka qaato hagaajinta iyo samaynta unugyada maqaarka.
- Waxa uu sare u qaadaa dheef-shiidka
FG:/ hadaba qaraha waxa uu leeyahay faa’idooyinkan caafimaad ee aan kor ku soo xusnaynay iyo kuwo kale oo aan la koobi karin, meelkasta oo aduunka ka mida waa laga hella marka waxay kugula tallin in aad cutaada ku darsatid marka aad awoodo.