Baabaasiirtu waa marka ay bararaan xidida dabada (anus) iyo qabta hoose ee malawadka (rectum) oo ay sababaan xaalado kala duwan sida calool istaaga iyo dilaac soo gaadhay malawadka ama dabada iyo waxyaaba la mida lkn ma jiraan cad oo gaar u sababa
Hadaba babaasiirtu waxay ku dhacdaa maqaarka hoose ku wareegsan badabada waxana loo yaqaan ( external hemorrhoid) iyo qaybta hoose malawadka (internal hemorrhoid).
Waxana lagu xakamayn karaa daawooyin iyo qaab nololeedka qofka.
Calaamadaha iyo astaamaha babaasiirta
Calaamadaha iyo astaamaha babaasiirta waxa ka mida kuwan soo socda waxana ay ku xidhan yihiin nooca ay tahay:
Babaasiirta debeda (external hemorrhoid)
Waxa ka mida astaamaheeda kuwan .
- Xadanto iyo cuncun dabada (anus) qofku ka dareemo
- Xanuun iyo raaxo la,aan
- Dabada oo qofka bararta iyo xanuun dareemo marka uu saxaroonayo
- Dabada oo dhiigta qofka
noocani waxay ay dhacdaa qaybta hoose ee malawadka qofkuna badanaa ma dareemo xanuun badan iyo raaxo li’i lkn waxa uu xanuun dareema marka uu saxaroonayo waxana ka mida astaamaheeda.
- Dhiig bax aan xanuun lahayn marka uu qofku saxaroonayo waxana laga yaaba inuu dhibco dhiig ah ku arko suuliga
- In qofku dareemo malawadka oo barara hoosna u soo dhaca (rectum prolapse) kaas qofku dareemo xanuun badan
Babaasiirta debeda (external Hemorrhoids) marka xidida dhiiga ay bararaan waxay sameeyaan xinjiro taas oo qofka ku sababta xanuun aad u daran, barar, caabuq iyo burooyin dabada iyo agagaarkeedu qofku yeesho.
Goorma ayaad dhakhtar u tagi kartaa hadii aad isaga shakido xanuunkan
Hadii aad isku aad dareento xanuun ama dhiig marka aad xaajooyanso ama aad leedahay babaasiir taas oo bilow ah hadii ay biskan waydo laba usbuuc oo daryeelka guriga (home care) waxa muhiim ah inaad dhakhtarka tagto.
Hada lama arko badanaa babaasiirta gudaha hore loom dareemo lkn hadii dareemo sidii caadiga ee aad u xaajoon jirtay (bowel habits) iyo midabka saxarada waxa laga yaabaa inuu jiro dhiig bax malawadka ah ama xanuuno kaleba sida sida cansarka mindhicirka ama dabada .markaa waa inaad si deg deg ah u tagtaa hadii dareento dhiig baxa malawadka, madax-xanuun, dawakhaad, iyo itaal darro
Waxyaabaha sababa babaasiirta
Xididada dhiiga ku xeeran dabada ayaa fida oo kala baxa ka dib marka ay dareemaan cadaadis ka dibna way bararaan. Sidaasna waxa uga dhalan kara xunuunka babaasiirka waxa sabab u noqon kara waxyaabo oo ay ka mid yihiin .
- Cadaadiska saxarada xiliga qofku xaajoonayo.
- Qofka oo waqti dheer fadhiya musqusha
- Shuban waqti dheer ah iyo calool istaag
- Miiska qofka oo badan
- Qofka oo qaada culays badan (heavy lifting) iyo arimo kale
Xanuunka babaasiirta marka uu qofku tago goob caafimaad baadhitaankiisu waxa uu baadhitaankiisu ku salaysan yahay baadhitaanka jidhka (physical exam) iyo dhigital ah oo ay ka mid yihiin.
- In dhaktarku ka baadho dabada iyo malawadka baadhitaanka aragtida (physical exam)
- Anoscopy: waa qalab tuubo laydh leh (light tube) kaas oo lagu baadho badabada iyo malawadka
- Sigmoidoscopy: waa qalab leh laydh iyo kamarad leh oo lagu baadho qaybta hoose ee mindhicirka iyo malawadka lagu baadho sida inay daciifeen, inay kala baxeen, badanaa waxay dhacdaa xiliga uurka waxana sababa culyaska ilmaha yar.
Khataraha uu sababo xanuunka babaasiirtu
Badanaa xanuunka babaasiirtu wuxu sababaa deganaansho la,aan, xanuun badan iyo khataro badan oo ay ka mid yihiin.
- Dhiig la,aan
- Xinjirowga dhiiga badnaa waxa sababta babaasiirta debeda
- Infakshin
- Burooyin iyo cad dabada qofku yeesho
Xanuunka babaasiirta waxa lagu daaweeya habka dabiiciga ah iyo daaweeynta dawooyinka (meditations).
Daaweeynta guriga
Xanuunka babaasiirta waxa lagu maarayn karaa si dabiiciya iyo qaab nololeedka qofka sida in qofku hurdo fiican seexdo, cunto caafimaad qabta iyo wixiivla mida sida.
- Inuu qofku isticmaalo dawooyinka lidocaine,hazel, iyo hydrocortisone uuna mariyo meesha dhaawacantay
- Inuu qofku cabo biyo badan
- Inuu qofku cuno cuntooyinka galka leh( fiber) si uu uga hortago calool istaga
- Inu qofku biyo kulul ku dhaqo mesha xanuunaysa 10 daqiiqo ilaa 20 daqiiqo maalin kasta
- Inuu qofku isticmaalo dawooyinka caloosha jilciya laxatives
- Inuu qofku isticmaalo daawooyinka caabuqa ka hortaga sida NSAids and nonsteroidal si loogu daaweeyo xanuunka iyo caabuqa
- Ku nadiifi oo ku maydh dabada ama meesha bugta cudbiga suuliga ama maro aad biyo ku qoysay si tartiib ah
Hada dhakhtarku wuxu hababkan daawaaynta ah sameeyaa hadii wax natiigo ah ay keeni waydo daawanta gurigu (home care) mudo laba wiig ah qofkuna leeyahay calaamado sababi kara khataro caafimaad waxana ka mida hababka loo daaweeyo.
- Rubber band ligation: wax balaster lagu xidho xididka sababa dhiig baxa iyo bararka si looga xidho dhiiga
- Electro-coagulation: waa qalab koronta oo lagu jaro qulqulka dhiiga
- Infrared coagulation: waa qalab yar oo kulalyl sameeya kaas la gelo malawadka kana takhalusa babaasiirta
- Sclerotherapy: waa kimikal lagu mudo xididka bararsan kaas oo lagu burburiyo babaasiirta
- Hemorrhoidectomy: waa qaliin lagu jaro babaasiirta debeda iyo ta gudaha ee debeda u soo baxda
- Hemorrhoids stapling: waa qalab lagu jaro babaasiirta bedebada iyo ta gudahaba
Waxa jira talaabooyin badan oo lagaga hortagi karo ama lagu xakamayn karo xanuunka babaasiirta waxana ka mida.
- Qofku inaan wax badan fadhiyin suuliga sidoo kale uu si aayar ah u xaajoodo
- Qofku inuu si deg deg u tago suuliga haduu dareemo inuu u baahan yahay aanuna ka daahin
- Qofku inuu cabo iyo badan oo ku filan maalintii si uu uga hortago calool istaaga
- Inuu qofku cuno cuntada galka leh , qudrada iyo furuutiska iyo hadii u baahan yahay vitamino dheeraad ah
- Inuu jidh ahaan caafimaadkiisa u ilaaliyo sameeyo jimicsi iyo wixii la mida
- Inuu qofku isticmaalo daawooyinka caloosha socodsiiya ama jilciya