Hadaba marka la eegayo jidhka bini-adamka waxa ugu muhiimsan groupkan fiitaminada aha vitamin D3 (cholecalciferol) and vitamin D2 (ergo-calciferol).
Hadaba fiitamiinadini waxay jidhka ka caawiyaan inuu soo nuugo calcium and phosphate kuwaas oo muhiin u ah caafimaadka ilkaha, lafaha iyo muruqyada.
Ilaha ugu muhiimsan ee laga helo vitamin D-ga
Vitamin d-ga jidhku isaga ayaa samayska waxana uu ka helaa fallaadhaha cadceeda (sun ultraviolet) marka qofku cadceeda isu dhigo lkn waxa jira meelo iyo xilliyo aan cadceed la helin markaana qofku wuxu u baahan yahay inuu cuno cuntooyinka laga helo vitamin d-ga ama kiininka vitamin d si uu uga hortago in vitamin d-ga jidhku hoos u dhaco.
Hadaba vitamin d-ga waxa laga helaa noocyo aan badnayn oo cuntooyinka ka mida waxan ka mida kuwan:
- Beerka iyo hilibka cas
- Ukunta iyo fortified foods ka cuntooyinka loo yaqaan
- Caanaha
- Kaluunka loo yaqaan oily fish ,sida salmon, canned tuna, iyo herring.
- Sharaabta liinta laga miiray
- Khudaarta mashruumka
- Cuntooyinka cereal-ka iyo oatmeal-ka loo yaqaan waxa cuntooyin galka leh iyo kuwa sida boorashka oo kale ah
Vitamiin d-gu waa naqafo aan cuno marna waa dheecaan (hormone) jidhku samaysto waa vitamin si fudud u fal-gala kaas oo jidhka u leh faa’idooyin fara badan oo ay ka mid yihiin:
- Wuxu soo nuugaa oo joogteeyaa calcium iyo phosphate oo labduba door muhiim ah ka ciyaara caafimaad qabka lafaha iyo muruqyada
- Wuxu ka hortagaa xanuunka kansarka
- Wuxu ka hortagaa infakshinka wuxuna yareeyaa caabuqa
- Wuxu ka hortagaa wadne xanuunka iyo in garaadka maskaxdu hoos u dhaco.
- Wuxu ka hortaga dhimashada deg dega ah ee ciyaalka xiliga dhalmada.
Xadi-ga vitamin D-ga qofku u baahan yahay
Xilliga bilaha march , bilowga hore ee april ilaa september waa xiliyada aan qoraxdu jirto dadkuna badan waxay vitamin d-ga ka helaan cadceeda yagoo isu dhiga lkn xilayad qaar meelo badan oo dunida ka mida ma jirto qoraxi taas oo dadku baahanayaa ilo kale oo ay ka helaan vitamin d-ga waana cuntooyinka iyo kiniinka laga sameeyay vitamin D
Hadadii ay ku adkaato heliska qofka vitamin dhiga uuna dheeraada sida hooyada uurka leh, iyo caruurta yaryar waxa qaadanayaan malintii 10 micro-grams oo vitamin d ah. Siiba xilliyada aan cadceedu jirin.
Dadka khatarta ugu jira inuu ka yaraado V. d-gu
Dadyowga qaarkoodka ma helaan cadceed ama waxyar ayay helaan taas oo ay dhaxlaan in jidhku aanu samaysayn karin vitamin d ku filan.
Hadaba dadkaasi waxay u baahaan iyo inay qaataan maqlintii 10 micro-grams oo vitamin d ah.
Dadka khatarta ugu jira in aya ku dhacdo vitamin d la’aan waxa ka mida :
- Dadka aan cadceed u bixin sabab kastaa ha keentee
- Dadka xidha maryo waawayn kuwaas oo ay jidhkoo dhan ku daboolaan.
- Ciyaalka iyo dadka waawayn
- Qofka aan cunin cutooyinka v. d-ga laga helo.
FG/: hadaba qaadashada xadi aad u badan oo fitamiin d ah waqti dheer waxay jidhka ku sababaysaa in calcium ta jidhku sare u kacdo, taas oo jidhka ku sababaysa dhibaatoyin hor leh oo ay ka mid yihiin, lafaha oo daciifa , kelyaha iyo wadnaha oo dhaawacma.
Hadaba xadiga saxda ee loogu tala-galay maalintii qof yar iyo midwayn ba waa 10 micro-grams,