Samboorku waa marka ay xidhmaan, bararaan, dhuubtaan daloolada iyo xuubabka hawada ee sanku ee loo yaqaaan (sinuses). Kuwaas buuxiyaan duuf ama dareere markaas oo qofka u adkaato neefsashadu. Taas oo qofka ku sababi karta infekshin.
Daloolada hawo mareeenka sanku (sinuses) sida caadiga waa nadiif wax bakeriya ahna malaha waxana ku jirta hawo keliya .hadaba hadii ay xidhmaan ayna buuxiyaan dareere iyo dheecaano waxa ku dhalata ama ku korta bakteriyada taas oo ku sababta qofka infekshin. ( bacterial infection).
Hadaba waxa jira afar dalool haweed kuwaas oo uu xanuunka sanboorku caabuq ku sameeyo kuwaas oo ku yaal qabta hore ee madaxa, sanka, iyo indhaha waxana loogu magac daray lafaha iyo meelaha ay ku yalaan waxayna kala yihiin:
- The ethmoidal sinuses: waxa ay ku yaalaan indhaha dhexdooda
- The maxillary sinuses: waxa ay ku yaalaan indhaha hoostooda
- The sphenoidal sinuses: waxa ay ku yaalaan xaga danbe ee indhaha
- The frontal sinuses: waxa ay ku yaalaan xaga hore ee indhaha
Noocyada xanuunka sanboorka
Waxa nooyo kala duwan oo uu leeyahay xanuunka sanboorku waxana ka mida:
- Acute bacterial sinusitis: waa xaalad deg deg ah oo xanuunka sanboorka oo ay sababto bacteria waxana ka mida calaamadaheeda , duuf badan, madax xanuun, cabudh, taas oo qofka haysa 10 cisho ka badan. Waxana laga yaaba qofka inaanay ka tegin ilaa uu qaato dawooyin.
- Chronic sinusitis: waa xaalad sonboor ah oo waqti dheer soo jiitamaysay waxana ka mida calaamadaheeda, cabudh, duuf badan, madax xanuun, urinta oo yaraata iwm.
- Sub-acute: waa xaalad sanboor ah oo qofka haysa 4 ilaa 12 week kaliya.
- Recurrent acute sinusitis: xaalada waxa weyee marka xanuunka sanboorku ku soo laabto qofka afar jeer wax ka badan sanadkii hayana wax ka yar 2 week.
Waxyaabaha sababa xanuunka samboorka
Xanuunka sanboorka waxa sababa fayruses, funge, bakteriya, kuwaas oo waxyeela ,xidha daloolada hawo mareenka sanka waxana ka mida waxyaabaha sababa .
- Hargabka
- Xasaasiyada iyo alerjiga sanka
- Dhibaatoyinka caafimad ee ku yimaada xuubka sanka ( growth of nasal lining)
- Dhibaatooyinka caafimaad carjawda kala qaybisa daloolada sanka
- Dufaaca jidhka oo hoos u dhaca iyo dawooyinka hoos u dhiga dufaaca jidhka
Waxa ka mida calaamaha ama astaamaha guud ee xanuunka sanboorka kuwan soo socda.
- Xanuun, damqasho, barar oo uu qofku ka dareemo indhaha iyo sanka
- Sanka oo xidhma
- Urinta oo yaraata
- Duuf doog ama jaale sanka ka yimaada
- Madax xanuun
- Heer-kulka jidhka oo sare u kaca
- Ilka xanuun
- Urta afka qadhmuun noqota
- Cuno xanuun
- Qufac
- Hindhiso iyo sanka oo cuncuna
- Xumad iyo daal
- Culays dhegaha laga dareemo
Dadka khatarta ugu jira inay qaadaan sanboorka
Waxa jira sababo badan oo kordhin kara inaad qaado xanuunka sanboorka waxan ka mida.
- Qofka oo sigaar caba ama la nool qof sigaarka caba
- Dhibaatooyinka caafimaad ee ku yimaada xuubabka, daloolada hawo mareenka sanka sida cadadka ka soo baxa dalolada sanka
- Dufaaca qofka oo hoos u dhaca iyo dawooyinka dufaaca yareeya
- Xasaasiyada iyo xiiqda
- Xalaado caafimad oo qofku la deris yahay sida xanuunada dufaaca jidhka ku dhaca sida HIV/AIDS.
Xanuunka sanboorka ee ay sababto bakteriyadu laysuma gudbin karo lkn ka uu sababo fayrusku waa laysu gudbiyaa.
Hadii aad leedahay sanboor ama qufac iyo hindhiso waa inaad ku dedaashaa faraxalka marka aad qufacayso ama aad hindhisaysana suxulka wajiga saartaa si aad u yarayso gudbinta xanuunka sanboorka.
Habka loo baadho xanuunka sanboorka
Adagaha caafimaad ama dhakhtarku waxa uu qofka xanuunkan ka cabanaya waydiiyaa xog aad u badan si loo ogaado nooca iyo waxa sabab ah. Waxana ka mida:
- Baadhintaano jidhka ah iyo waraysi dhamaystiran sida, xaalado caafimd oo kale hadii uu leeyahay
- Baadhitaanka dhegaha, sanaka, cunaha, iyo hadii uu leeyahay cabudh iyo duuf
- Waxa ka mida baadhitaanada la sameeyo endoscope oo ah mashiin lagu baadho gudaha sanka.
- Dadka qaarna waxa loo diraa computed tomography (CT) scan
Xanuunka sanboorka waxa loo daaweeya qaabab kala duwan taas oo ku xidhan tahay nooca uu yahay xanuunku iyo sida uu khatar u yahay waxana ka mida :
Asimple sinusitis infection treated with:
- Decongestants dawooyinka loo yaqaan
- In qofka la siiyo dawiinka hargabka iyo xasaasiyada
- Sanka oo qofka laga maydho faleenbo (saline)
- In qofka lagula taliyo inuu cabo biyo badan
- Antibiotics ( 7 cisho dadka waawayn 10 cisho ciyaalka)
- Dawooyinka la liqo ama afka lagu dhiijisto. ( oral or topical decongestants)
- Dawooyinka sanka lagu buufiyo ( intra-nasal steroid sprays)
Xanuunka sanboorka waqtiga dheer soo jiitamayay waxa loo daaweeyaa yadoo la eegayo wixii sababay sida Xasaasiyada oo kale waxan loo qoraa qofka:
- Dawooyinka sanka lagu buufisto (nasal steroid sprays )
- Dawooyinka la liqo , la marsado iyo kuwa laysku buufiyo ee loo yaqaan antihistamine
- Dawooyinka yareeya bararka iyo Xasaasiyada sanka (leukotriene antagonist).
- In sanka lagu maydho faleenbada (saline nasal irrigation).
Khataraha uu sababo xanuunka sanboorku ma aha kuwo caan ah mana aha kuwo sidaas u khatar badan waxana kugu sababi karaa hadaanad iska daawayn.
- Wuxu sababaa xalaada sanboorka waqtiga dheer (chronic sinusitis).
- Mararka qaar wuxu sababa minijaytis (meningitis) kaas oo waxyeela xuubabka maskaxda.
- Wuxu sababaa qaar kamida infakshinada ku faafa lafaha (osteomyelitis) iyo kuwa ku dhaca maqaarka (cellulitis).
- Xanuunada ku dhaca araga kuwaas oo sababa in aragu daciifo
Waxa jira talaabooyin caafimad oo aad kaga hortagi kartid xanuunka sanboorka waxana ka mida.
- Inuu qofku ka digtoonaado xanuunada ku dhaca qaybta sare ee neef mareenka haduu isku arkana uu si dhakhso ah ula xidhiidho dhakhtar
- Inuu qofku ka fagaado cabida sigaar iyo qofka caba sigaarka labadaba.
- Inuu qofku iska daaweeyo hadii uu leeyahay xasaasiyad iyo elerjic
- Inuu qofku sare u qaado hab-dhiska difaaciisa iwm.